Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Maraykanka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Martin Dale oo hoggaaminayey wefti balaadhan.

 

 

 

 

Kulankaa waxa lagaga wada hadlay sida lagu sheegay Qoraal kooban oo kulanka kadib kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo qodobo kale  oo ay ka mid ahaayeen, iskaashiga, gargaarka, waxtarka, mucaawimada, dhaqaalaha, iyo Aminiga, waxaana la isla meel dhigay dhammaan qodabadaasi sidii loo hirgelin lahaa loogana midho dhalan lahaa wakhtiga ku haboon uguna dhakhsaha badan.

Madaxweynaha waxa kulanka ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Iyo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.

Halkan ka Daawo.