Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farnmaajo, ayaa sheegay innay diyaar u tahay xukuumaddiisu sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland.

Madaxweyne, Farmaajo, wuxuu sidaa ku sheegay mar uu maanta khudbad ka jeediyay Kal-fadhigii shanaad Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka furmay  Dugsiga Tababarka Akademiyada Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdishe ee caasimadda Soomaaliya.

Furitaanka Kal-fadhiga oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne, Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Khayre, Shirgudoonka golaha iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, Saraakiil ka socotay dalalka taageera Somalia iyo Ururada Bulshada, wuxuuna sidoo kale kaga hadlay arrimaha ammaanka Muqdisho oo muddooyinkan danbe sii xumaatay iyo arrrimaha dhinaca dhaqaalaha.

“Waxa naga go’an innaan ka midha dhalino, wada hadalada Walaalahayo Maamulka Somaliland iyo Dawladda Federaalka ah, si xal waara loogu helo tabashooyinka walaaleheen Somaliland oo ah dad wallaalaheen ah oo aan jecelahay oo aan la kala maarmin, waxaan ku bixinaynaa dedaal dheeri ah midnimada iyo wada jirka Ummadda Soomaaliyeed, si aan uga baxno dhibaatada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana diyaar u nahay innaan si waafi ah uga garawno tabashooyinka walaalaleheen Somaliland.” ayuu yidhi, Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay mawqifka xukuumaddiisa ee ku waajahan Jamhuuriyadda Somaliland.


Mar uu ka hadlayay dhinaca amaanka oo si weyn loo dhaliilayo, wuxuu sheegay innay dib u habayn ku samaynayaan hay’addaha amniga, isagoo xusay in dalku marayo meel adag, isla markaana aan amniga la siyaasadayn oo cid walaba ka qaadato doorkeeda, “Dalku, wuxuu marayaa xaalad adag, mana aha amniga in la siyaasadeeyo, waa in cid walba qybteeda qaadataa.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Farmaajo oo si cad u ballan qaaday inuu wax baddan ka bedelo Hay’addaha Milateriga, Boolisk, Sirdoonka iyo hay;addha kale ee uu khuseeyo amnigu.

 Dhinaca dhaqaalaha, wuxuu sheegay in Xukuumaddisu kordhisay dakhliga dalka oo ay gaadhsiiyay sannadkan 2018, 184 Milyan oo dolla, halka sannadkii 2017, uu ka ahaa 142, Milyan oo doolar, balse ay rajaynayaan in sannadkan 2019, uu intaa ka bato.

.