Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si lama filaan ah u booqday Maanta xarunta taliska guud ee sirdoonka qaranka, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn ujeeddada booqashada xilligan ee Madaxweynaha oo khilaaf siyaasadeed ka jiro dalka.

Hase yeeshee booqashada Madaxweyne Biixi, ayaa lagu tilmaamay kormeer Madaxweyne, sida lagu sheegay qoraal koobban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda booqashada Madaxweynaha ee xarunta Sirdoonka Qaranka.

Madaxweyne Biixi, waxa kusoo dhaweeyey halkaa Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), iyo saraakiisha kala duwan ee sirdoonka, sida lagu xusay qoraal saxaafadeedkaa oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Qoraalka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweyne Biixi warbixin kaga dhegeystay halkaa Taliyaha ciidanka sirdoonka qaranka, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), wuxuuna ka warbixiyay shaqooyinka kala duwan ee ay ciidanku qaranka u hayaan iyo horumarka ay sameeyeen.

Warbixinta ayaa Taliye Sablaale ku caddeeyey inuu gacanta ku hayo ciidan aqoon ahaan dhisan, qarankana u haya shaqo muhiim ah, sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka.

Dhinaca kale, qoraalka, ayaa lagu xusay in Madaxweyne muddadii uu halkaa joogay  kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay, isagoo Madaxweynuhu Taliyayaasha kala duwan, saraakiisha iyo ciidankaba ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, isla markaana ku dardaarmay inay sii laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com