Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan ay isugu yimaaddeen xubnaha guddida fulinta ee xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE.

Kulanka Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE 1 Desember 2019 Araweelo News Network
Kulanka Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE 1 Desember 2019 Araweelo News Network


Kulankaa oo aan la ogayn waxyaabaha rasmiga ah ee lagaga wadahadlay, isla marakana ay ka qaybgaleen xubnaha kala duwan ee guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa lagu sheegay ujeedadiisa inuu ahaa kulan hawlmaalmeedka shaqo ee guddidaasi xisbiga ugu igman tahay, kaas oo sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay markii uu dhammaaday lagu faaqiday qorsheyaasha xisbiga iyo dhammaystirka hawlaha u yaalla guddi ahaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo warbaahinta hadal kooban siiyay markii uu dhamamaday kulanku, ayaa sheegay in ujeeddada shirku ku saabsanayd hawlaha xisbigai, isagoo yidhi, “Shirkayaguna waxa uu ahaa arrimaha xisbiga iyo sidii loo dardargelin lahaa arrimaha xisbiga, haddii ay doorashooyin inagu soo socda tahay iyo shirarkii xisbiga tahayba.”