Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 43-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

 

 

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabweynaha iyo Dawladda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, innagoo ah laba dal oo jaar ah oo aad isugu dhaw haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, waxa uu u rajaynayaa inay ku gaadhaan sannadkaa sannadkiisa horumar, bash-bash iyo barwaaqo.

 

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 43-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.