TelesomDahabshiil
Published On: Tue, Dec 31st, 2019

Madaxweyne Biixi Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Lagu Kordhiyay Xarunta Dab-damiska Hargeysa

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay xarunta ciidanka dab-damiska Somaliland xaruntiisa guud ee caasimadda Hargeysa.

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig-ka jariska dhismeyaasha cusub ee ciidanka, islamarkaana lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka Dab-damiska sannadka sii gebogeboobay ee 2019-ka iyo qorsheyaasha sannadka soo socda, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay taliyaha ciidanka dab-damiska, sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda Hargeysa, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka ciidamada Booliska iyo Militeriga, qaar kamid ah dhallinyarada ciidanka Dab-damiska, salaadiin, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin guud ahaanba bulshada reer Somaliland iyo badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xadhiga ka jaray dhismayaal lagu kordhiyay xarunta Dab-damiska ee Hargeysa, 31 Desember 2018, Araweelo News Network.

Ugu horrayn taliyaha ciidanka dab-damiska Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo warbixin qoto dheer munaasibadda ka jeediyey, ayaa si hufan u sharraxay kaalinta ay ciidanka dab-damisku kaga jiraan nolosha bulshada iyo horumarkoodaba, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidan ahaan sannadihii lasoo dhaafay badbaadiyeen nafo iyo hanti badan oo ay leedahay bulshada reer Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xadhiga ka jaray dhismayaal lagu kordhiyay xarunta Dab-damiska ee Hargeysa, 31 Desember 2018, Araweelo News Network.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Maxamed iyo ganacsade Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ciidanka Dab-damiska iyo taliskoodaba, waxana ay bulshada ku boorriyeen inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale xilli uu xadhiga ka jarayay dhismayaal lagu kordhiyay xarunta Dab-damiska ee Hargeysa, 31 Desember 2018, Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa sharraxay kaalinta naf-hurnimada leh ee ay ciidanka Dab-damisku ka ciyaaraan noloshada bulshada iyo badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta, waxana uu xusay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay in mudnaanta koowaad la siiyo ciidanka la dagaallanka dabka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Mudnaanta koowaad baynnu siinaynaa ciidanka dab-damiska, qarankuna waxba ka hagran maayo oo waa ciidan dagaal ku jira, waxana aan shacabka oo dhan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan ciidanka dab-damiska, iyaga iyo qolada ambalaaskuba marka ay gurmadka yihiin waa in waddada loo banneeyaa.”

xarunta Dab-damiska ee Hargeysa, 31 Desember 2018, Araweelo News Network.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale mid mid u kormeeray dhismeyaasha iyo xafiisyada kala duwan ee xarunta ciidanka damb-damisku ku leeyahay caasimadda Hargeysa, isaga oo sidoo kale indhihiisa ku arkay gaadiida casri ah oo xukuumaddu u iibisay ciidamadanka iyo agab casri ah oo lagula dagaallamo dabka.

Sidoo kale, waxa madasha lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka dab-damiska Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii dhammaaday ee 2019-kii oo ay sameeyeen 942 hawlgal oo lagu badbaadiyey dad, xayawaan iyo hanti dadweyne oo dhibaatooyin kala duwani gaadheen.

Wa-bilaahi Tawfiiq
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp