Araweelo News Network

Rex Tillerson

Washington(ANN)- Madaxweynaha  Mareykanka Donal Trump, ayaa wada qorshe uu ku doonayo in uu xilka kaga xayuubiyo Xoghayaha arrimaha dibadda Rex Tillerson, kadib khilaaf mudooyinkii u danbeeyay u dhexeeyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Donalda Trump uu donayo in xilkaasi uu u dhiiboo madaxa Hey’ada CIA-da Mike Pompeo, kaas noqonaya Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanak,balse war ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Trump Khamiisti oo lagu beeniyay inuu shaqada ka eryayo Tillerson, kadib marki ay soo baxeen wararkaasi.

Warbaahinta Mareykanka qaar kamid ah, ayaa si aad ah u tabinaya wararkaasi, waxaana warbaahintu ay sheegayaan in Mr Rex Tillerson ay siyaasadiisa xumaatay, sidaa daraadeed uu ku bedelayo madaxa CIA-da oo ah nin uu xidhiidh wanaagsani u dhaxeeyo madaxweyne Donalda Trump.

Warar kale oo laga helay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegaya in qorshaha uu yahay in Senatar-ka xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto gobolka Arkansa Tom Cotton, oo ka mid ah dadka sida aadka ah ugu dhaw Trump laga dhigi doono madaxa hey’ada CIA-da, hadii la bedelo Mr Telerson.

Donald Trump haddii uu ku dhaqaaqo talaabadan waxa uu noqonayaa madaxweynaha ugu bedbedelka badan xubnaha maamulkiisa ee Mareykanka,taasi oo muujinaysa in talaabooyinkii hore ee xilalka uu ku magacaabay ay ahaayeen kuwo aan si aad ah looga fiirsan sida ay aaminsanyihiin dad badan oo maraykan ah.