Araweelo News Network

ilaaladaaqalkacadWashington(ANN)Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa xilli uu ku sugnaa Aqalka cad ee Mareykanka looga taliyo.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidanka ilaalada ka haya dhismaha Aqalka cad ay toogteen Qof hubeysan oo kusoo dhawaaday goob uu ku sugnaa Mr. Joe Biden oo ah madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

FILE - In this March 7, 2016 file photo, Joe Biden, the U.S. Vice President talks to the U.S. military personnel at an Air Base in United Arab Emirates. Biden is set to deliver the commencement speech at the graduation ceremony for the U.S. Military Academys class of 2016. The graduation ceremony starts at 10 a.m. Saturday, May 21, 2016, at Michie Stadium on the West Point grounds along the Hudson River 50 miles north of New York City.  (AP Photo/Kamran Jebreili, File)

FILE – In this March 7, 2016 file photo, Joe Biden, the U.S. Vice President talks to the U.S. military personnel at an Air Base in United Arab Emirates. Biden is set to deliver the commencement speech at the graduation ceremony for the U.S. Military Academys class of 2016. The graduation ceremony starts at 10 a.m. Saturday, May 21, 2016, at Michie Stadium on the West Point grounds along the Hudson River 50 miles north of New York City. (AP Photo/Kamran Jebreili, File)


Wakaaladda wararka AP ayaa sheegtay in dhaawac lagaadhsiiyay qofka, kadibna loola cararay Cusbitaal, waxaana lafilayaa in marka la daweeyo kadib halkaasi su’aalo lagu weydiiyo.
aqalkacadpolice
Afhayeen u hadlay Aqalka cad ayaa sheegay in la xidhay dhowr ka mid ah dhismayaasha ka tirsan Aqalka cad kadib weerarka, waxaana sidoo kale xiliga weerarku dhacay Aqalka Cad ka maqnaa Madaxweyne Brack Obama.
weli si cad looma ogga sababtaa weerarka iyo inuu xidhiidh la leeyahay weerarada kooxaha loogu yeedho argagixisada ee kasoo horjeeda siyaasada Maraykanka. sidoo kale lama shaacin qofka weerarka la damacsanaa Joe Biden ujeedada uu ka lahaa iyo halka uu kasoo jeedo.

Maaha weerarkii u horeeyay ee lagu qaado Aqalka Cad ee Maraykanka, balse sanadii u danbeeyay 2011 iyo 2014 ayay sidan oo kale toogashooyin uga dhaceen Aqalka cad kadib markii rag hubeysan ay isku dayeen in ay gudaha u galaan guriga Cad ee Maraykanka oo Madaxweyne Brack Obama ku sugnaa, waxaana xiliyadaa shaqadoodii ku waayay saraakiil dhinaca amaanka ah iyo hawlwadeeno kale.