Share this:

" /> Smiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley face
Published On: Sun, Nov 17th, 2019

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Falceliyey Canbaaraynta Xisbiga WADDANI Ee Komishanka Cusub

Share This
Tags

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta jawaab cad oo cilmi ku fadhida ka bixiyey yooyootanka iyo muranka uu hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ka keenay xubnaha cusub ee Komishanka ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlay munaasibad uu ku daah-furay carwo dhinaca Caafimaadka ah oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa ugu horrayn, caddeeyey inaanay meelna kaga jirin heshiiskii ay saddexda xisbi wada saxeexdeen qodob sheegaya inaan la soo celin Karin xubnihii hore uga midka ahaa komishankii hore ee la beddelay “ Laba qodob bay sheegteen, mid waxay yidhaahdeen Komishankaa cusub ee la doortay la shaqayn maynno, waayo madaxweynuhu wuxuu jabiyey heshiiskii xisbiyada, xalaal iftin baa la qashaaye xisbiyada waannu heshiinnay, qodobka ay ku doodeenna waxa yidhaahdeen waxannu ku heshiinnay inaan xubnihii hore Komishanka lagu soo celin, haddii qodobkaas oo qoraal ah ay hayaan ummadda ha usoo bandhigaan, anigu qodobkaas ma saxeexin mana jiraan leeyahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu digtaatooriyad iyo sharci-jebin ku tilmaamay go’aanka ay hoggaanka xisbiga WADDANI kaga soo horjeesteen ansixintii xubnaha komishanka cusub ay ku meelmariyeen golaha wakiilladu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “waxa jira shuruudo lagu qiyaaso komishanka, haddii aan anigu qaldamo waxa iga dambeeya laba isbaaro oo kala ah guddi-hoosaadka Baarlamaanka iyo goleweynaha oo 82 qof ah, waa la gudbiyey oo intiiba way mareen oo guddidii way sii deysay Baarlamaankiinna wuu u codeeyey, yeelimayno ayuu WADDANI yidhi, digtaatooriyadda ka weyn Baarlamaanka yeellimaayo xaggee lagu arkay.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu Axsaabta mucaaridka ah usoo jeediyey inuu dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla, loona hoggaansamo go’aamada sharciyadda ku dhisan ee hay’adaha qaranku soo saaraan.

Wa-bilaahi Tawqiiq–

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

#8Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp