Share this:

" />
Published On: Sun, Dec 24th, 2017

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxxmaan Ciro Iyo Saraakiil Hoggaanka Sare Ee Xisbigiisa Ah

Smiley face

Araweelo News Network

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmanaan Ciro kulan Madaxtooyadda Somaliland 24 Desember 2017

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley hoggaanka sare ee xisbiga waddani oo ay horkacayaan guddoomiye cirro iyo, gudoomiye ku xigeenkiisu.

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo Qasriga Madaxtooyadda ku Qaabilay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmanaan Ciro Iyo saraakiisha hoggaanka WADDANII, 24 Desember 2017

Kulankaasi oo madaxweynuhu u fidiyey masuuliyiinta xisbiga waddani ayey ujeedadiisu ahayd sidii laysugu laab xaadhan lahaa xanaftii iyo ololihii dhexmaray xisbiyada wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada iyo in la isla meel dhigo meelna looga soo wada jeedo danta qaranka, doorka mucaaridnimadu ay noqoto mid wax dhista, waxna toosisa, xukuumadduna ay dulqaadkeeda yeelato wixii toosin ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo Qasriga Madaxtooyadda ku Qaabilay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmanaan Ciro Iyo saraakiisha hoggaanka WADDANII, 24 Desember 2017

Kulankaasi oo saacado qaatay waxa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo Xil Siciid Cabdilaahi Yasir.

Madaxweyne Muuse Biixi oo Qasriga Madaxtooyadda ku Qaabilay Xuseen Axmed Caydiid Iyo Uurcade oo ka tirsan saraakiisha hoggaanka WADDANII, 24 Desember 2017

Kulanka ka dib waxa saxaafadda la hadlay Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay Xisbiga Waddani waxaanu yidhi” Maanta oo ay bisha Diseenbar 24 tahay waxaanu Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Tiimkiisii oo Kulmiye ah ugu nimi Madaxtooyada, in aanu isku aragno Waddani ahaan iyo Xukuumadda xisbiga Kulmiye, islaab xaadhasho uun iyo sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa ayuu daarnaa kulankani, iyadoo dhinac waliba uu leeyahay waajibaadkiisii gaarka ahaa xisbiga Waddanina doorkiisii leeyahay hadana sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa baan ku kulnay.

Guddomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere iyo Guddoomiyaha Mucaardka WADDANI Cabdiraxmaan Ciro Qasriga Madaxtooyadda Somaliland 24 Desember 2017.

Wax badan oo qaran ahaan inoo wada sameeyey oo mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn ayaa jira oo laga wada shaqaynayo, mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn, ayaa jira oo laga wada shaqayn karo kolay taas ayuun bay ku saabsanayd iyo islaab xaadhasho runtii ummaddana fariinta aan u diraynaa tahay si Xisbiga waddani doorashadii go’aankii hore ee uu ka qaatay uu yahay keedii, Xukuumaduna ay iyaduna asluubteedii yeelayso dul qaadkii laga rabayna ay u yeelato doorkaa mucaaradeed, Saxaafadana dulqaad u yeelato mucaaridka dulqaad u yeelato, arrimahaasi oo runtii aanu si wanaagsan isugu afgaranay qarankan iyo mashaakilaadka taagana aanu iska waraysanay guud ahaan, waana kulankii koobaad wixii arrimo qaran ah in laga wada shaqeeyo waa laga balamay”.

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo Qasriga Madaxtooyadda ku Qaabilay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmanaan Ciro Iyo saraakiisha hoggaanka WADDANII, 24 Desember 2017

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna ka hadlay ayaa yidhi “Waxa maanta isu yimi Madaxweynihii Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo Xisbigii Waddani runtii waa Madaxdii ugu awooda badnaa dalka, sidaa uu sheegay Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu ku heshiinay maadaama ay xanaftii Doorashadu inaga dhammaatay, in dantii qaranka laga wada shaqeeyo, Xisbiyada Mucaaridka iyo muxaafidkuba, hawlo badan baa inoo yaala runtii aan ku eekayn uun doorashadii Madaxtooyada in aan si wada jira uga wada shaqayno runtiina ay mucaaridku noqdaan muraayada aan isku daawanayno oo ah kuwa na toosinaya.

 Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmanaan Ciro Iyo Xoghayaha  WADDANII, 24 Desember 2017

xisbiga mucaaridka mar walba waxa uu yahay muraayada laysku eego ee marwalba tallo iyo tilaam wixii shaqadaasi ka qaloocma toosinaya, waxaan ku heshiinay in si qaranimo oo wax dhisida oo mucaaridad wax dhista ah ay u shaqeeyaan iyaguna oo ay balan qaadeen anaguna aanu dul qaad u yeelano dhaliilaha naloo soo jeedinayo ama toosinta, mucaaridadu maaha dumis inay dadku khalad u fahmaan maaha, waxay qaateen inay dalkii dhisaan oo toosiyaan oo xukuumadii maanta dhisantahay wixii dhaliila ama shaqo ka leexda ay ku toosiyaan annaguna waxaanu balan qaadnay in aanu dul qaad u yeelo toosintooda iyo tilmaantoodaba hawlaha inoo yaalana aan si wada jira uga wada shaqayno mudada dhow, waxanay maanta ahayd kulan kii koobaad wada hadalkii ku furmay”

Wa-bilaahi tawfiiq

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp