Obama and KenyattaNairobi(ANN)Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama ayaa gaadhay xarunta dalka Kenya ee Nairobi, iyadoo Ammaanka si gaar ah loogu adkeeyay xarunta uu shirku ka dhacyo ee magaalada Nairobo,Wadooyinka Nairobi oo looga bartay mashquul waxay maanta intooda badan ahaayeen faaruq, isla markaana hawada dalka Kenya, ayaa laga mamnuucay diyaaradaha, waxa dul haadaya Diyaaradaha Milateriga Maraykanka, kuwaas oo amaanka sugaya.

Obama oo dhinacyada ka fadhiyaan

Obama oo dhinacyada ka fadhiyaan gabadha ay isku aabaha yihiin ee Auma Obama iyo ayaydii Sarah Obama.

Madaxwaynaha dalka Kenya ayaa Furay Shirka waxaana sidoo kale gaadhay goobtu shirka Ganacsigu ka socdo Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama oo hadal uu ka jeediyay madasha shirka ku sheegay in Ganacsigu yahay ka mideeya dadyowga dunida, isla markaana gacansigu asal u yahay in dhallinyaradu ay mustaqbal yeeshaan.

shirka Kenya

Barack Obama, wuxuu sheegay in Dhallinyarada haddii ay fursado waayaan ay qayb ka noqon karaan dhibaatooyinka jira mandaqada iyo caalamka.
Barack Obama, wuxuu ku baaqay in la taageero dumarka ganacsatada ah oo uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin si gaar ah u waajahaya dumarka iyo bulshooyinka la takeero ee Afrika.

Madaxweyne Barack Obama, wuxuu sheegay in dalka Kenya ay joogaan dad ay Ehel iyo qaraabo yihiin, isagoo yidhi, “Aabahay waxaa uu ka soo jeedaa dalkan Kenya, Waxaan ahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya soo booqday, waxaan ku faraxsanahay inaan Kenya dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee dalkiisu marti geliyay, ayaa sheegay in Kenya ay caan ku tahay dhaqamo kala duwan, wuxuu sheegau in Kenya haatan ka soo kabsatay weerarkii Westgate ee Nairobi.
Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay dhaqaalaha dalkiisa wuxuu sheegay in Hanaanka lacagta loola wadaagayo gobollada ee Kenya uu baddelay dalkiisu.

Diyaaradaha Maraykanka

Mr. Kenyatta, wuxuu sheegay in Afrika aanay ku tiirsanaan Karin oo keliya waddamada galbeedka, sidoo kale aanay ku tiirsanaan Karin hal gobol oo kaliye, wuxuu xusay in Horumar weyn uu ka jiro qaaradda Afrika, balse wax badanna way dhiman yihiin.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo Barack Obama waxay tagi doonaan Memorial Park, oo ah meeshii ay ku ooli jirtay safaaraddii maraykanka ee la qarxiyay 1998.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews