Araweelo News Network

Marxuum Xsan Cawaale

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Iyo Hoggaamiyayaasha KULMIYE Iyo WADDANI, ayaa ka hadlay geerida Allah ha u naxariistee Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo muddo dheer ka tirsanaa golaha Wakiilada Somaliland, Isla markaana ku geeriyooday xalay dalka Djibouti oo xaalad Caafimaad loogu qaaday dhowaan.

Dhanbaal Tacsi ah oo Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay geerida Xildhibaan Xasan Cawaale oo Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland ku qornaa, ayaa lagu yidhi sidan:-

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka, haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo xalay oo ay taariikhdu ahayd 21.10.2017 ku geeriyooday dalka Jabuuti oo uu xaalad caafimaad u jiifay maalmahan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay qaranka Somaliland, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo siyaasada dalka, waxaanu marxuumku ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, isagoo ka mid ahaa aqoonyahankii qalinka iyo tabaashiirta u qaatay inay dalka u soo saaraan jiilal aqoon iyo cilmi ku dhisan, taasi oo uu muddo ku soo jiray markii danbena uu ka mid noqday golaha wakiilada Somaliland ee wakhtigan jooga, balse ay tii Alle u timid Marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka, haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Sidoo kale dhanbaal Tacsi oo Xisbiga KULMIYE, kaga hadlay geerida Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale, ayaa u qornayd sidan:-

 

“Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, Golayaasha Baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ku geeriyooday dalka Jabuuti maanta oo taariikhdu tahay 21/10/2017.

Marxuum Xasan Cawaale Caynaan waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doortay xisbigii UDUB sannadkii 2005, isagoo waqtigana ka mid ahaa mudanayaasha la midoobay xisbiga KULMIYE, waxaannu ahaa aqoonyahan ku soo tabcay oo waxbaray dhallinyaro badan oo reer Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE”

 

Xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale ka hadlay geerida xildhibaan Xasan Cawaale, waxaana dhanbaal Tacsi ah oo kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta ee WADDANI u qornayd sidan:-

“Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale Caynaan.

Guddoomiye Cirro, wuxu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi aad u dadnimo wanaagsan oo ka shaqeyn jiray danta guud iyada oo aad looggu xasuusto baranimadiisii macalimnimo ee Waxbarashada Somaliland oo uu wax soo baray ardey tiro badan, waxa kale oo uu sheegay in mudadii uu ka tirsanaa golaha Wakiilada uu ahaa mudaneyaasha aadka u jeclaa horumarka Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii uu Alle uga baryey Marxuumkaasi in uu godka u nuuriyo kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland