Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ka hadlay natiijada doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee lagu dhawaaqay 21 Nov 2017, wuxuuna fariimo isugu jira waano, duco iyo hanbalyo u kala diray Murashaxa guulaystay Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici iyo sidoo kale Murrashaxiinta la tartamayay taageerayaashooda, Komishanka qaranka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi kula dar-daarmay inuu ummadda Jamhuurida Somaliland  mideeyo,  isla markaana uu si cadaalad ah ugu xaq-sooro, isagoo yidhi, “Ha ogsoonaado Madaxweynaha la doortay inuu Madaxweyne u yahay kuwii isaga u codeeyey, kuwii aan u codaynin iyo kuwii ka aamusayba.”

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu hambalyo, ammaan iyo ducoba u diray labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI iyo taageerayaashooda sidii quruxda badnayd ee ay uga qayb qaateen tartankii Doorashada Madaxtooyada.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland caawa caweyskii, ayaa lagu yidhi, “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadiisa iyo magaca ummadda Somaliland wuxuu Hambalyo iyo bogaadinba u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Muse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdiraxman Cabdillaahi Saylici.

 

Madaxweynuhu wuxuu Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee ku Guulaystay tartankii Doorashada Madaxtooyada ALLAH uga baryayaa inuu ku asturo xilkaa iyo Masuuliyadaa culus ee ay ummadda u qaadeen. Madaxweynuhu wuxuu Madaxweynaha la doortay kula dar-daarmay inuu ummadda JSL mideeyo isla markaana uu si cadaalad ah ugu xaq-sooro. Ha ogsoonaado inuu Madaxweyne u yahay kuwii isaga u codeeyey, kuwii aan u codaynin iyo kuwii ka aamusayba.

 

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu hambalyo, ammaan iyo ducoba u diray labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI iyo taageerayaashooda sidii quruxda badnayd ee ay uga qayb qaateen tartankii Doorashada Madaxtooyada.

 

Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu Masuuliyiinta labada Xisbi Ee UCID iyo WADDANI ku bogaadiyey bisaylka siyaasiga ah iyo masuulnimada ay muujiyeen, taasoo ay ku aqbaleen kuna qanceen natiijadii ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ka soo saareen Tartankii Doorashada Madaxtooyada ee Dalkeena ka qabsoontay 13.11.2017.

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.