Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa go’aan cusub ka qaatay xuska maalinta qaranimada dalka ee 18 May oo uu joojiyey.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu amray in aan sannadkan xaflado lagu xusin maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, isla markaana dhaqaalihii lagu qaban jiray loo beddelayo gurmad taakulo lagu gaadhsiiyo dadka ay saamaysay abaarta ee dalka.
Sidaana waxa shaaciyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxaannu faahfaahin kaga bixiyey go’aanka cusub ee Madaxweynuhu ka qaatay xuska maalinta qaranimada.
Isagoo arrintaasi ka hadlaeyyna waxa uu yidhi, “Waxa innagu soo fool leh xuskii munaasibadda 18-ka May, waxaannu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo go’aamiyey in 18-ka May dabaal-degeedii aynu sannad walba samayn jirnay muddadii Somaliland jirtay in aannu sannadkan sidii hore u dhici doonin, in qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gobol iyo degmaba lacagtii lagu dabaal-degi jiray loo beddelo gurmadka abaaraha. Waxa la go’aamiyay in shacabka Somaliland ee ku sugan gobol, degmo iyo magaalo walba iyo haddii qurba-joogga tahayba guud ahaanba ummadda reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba inay sannadkan guntiga dhiisha iskaga dhigaan oo ay si adag uga fikiraan sidii aynu gurmadka abaaraha uga qaybqaadan lahayn oo wax kastoo dabaal-degaasi ah aynu u beddelo qaadhaan ururin aynu dadkeenna abaaruhu soo baro-kiciyeen aynu la wadaagno.”
Waxa kaloo uu sheegay Madaxweynuhu ku amray dawladda in dhaqaalihii lagu qaban jiray dabbaaldegyada maalinta Qaranimada loo beddelayo qaadhaan lagu taageero dadka abaaruhu haleeleen, “Dad badan ayaa jira oo ay xoolihii ka baxeen, haddii ay xoolo iibis tahay oo aynu dadkaasi dib u xoolaynayno iyo haddii ay tahay sidii loo daryeeli lahaa intaba, Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland waxa uu go’aamiyay isagoo dawladdiisana ku amraya, shacabka reer Somalilandna uu u sheegayaa ilaa maalintii dalkani xorriyadiisa dib u soo qaatay in aynu nahay ummad isku tashata, isku tashigaasi ayuun bay tanina ka mid tahay oo aynu dadkeenna ay abaaruhu saameeyeen u gurmaynayno. Haddii ay xaflado tahay, waxa xafladahaasi loo beddelayaa qaadhaan ururin ummadda lagu taageerayo wixii ay dawladdu ku qaban jirtay xafladaha xuska 18-ka May-na waxa loo beddelay qaadhaan abaaraha ah,” ayuu yidhi Wasiir Caddaani.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu ka hadlay gurmadka ama taakulada la gaadhsiiyey dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku kala sugan gobollada kala duwan ee dalka, waxaannu yidhi; “Xukuumadda Somaliland iyadoo taakulaynta marinaya Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka waxay bilihii October, November iyo December ee sannadkii 2016-kii u qaybisay in ka badan 100,000 (boqol kun) oo qoys taakulo raashin ah isugu jirtay bariis, sonkor, daqiiq iyo saliid, waxaanay u kala gaadhay gobollada iyo degmooyinka dalka sidan; Gobolka Saaxil 16000 (lix iyo toban kun) oo qoys, Gobolka Saraar 8,900 qoys, Gobolka Togdheer oo Burco ah 10,350 (toban kun, saddex boqol iyo konton) qoys iyo dhinaca Oodweyne oo ah 5200 qoys ah, Widh-widh 2200 qoys, Qorilugud 2200 qoys, Buuhoodle 2000 qoys, Laascaanood 11000 qoys, Taleex 2900 qoys, Xudun 2600 qoys, Bohol 1000 qoys. Gobolka Sanaag dhinaca galbeed 16,300 qoys, Sanaag barri 11000 qoys, Gobolka Maroodijeex, Sabo-wanaag, Cadaadley, Sallaxley iyo Balligubadle iyo Daarasalaam 12000 qoys.”