Araweelo News Network

Muuqaalka Kulanka Madaxweyne Siilanyo Xafiiskiisa kula yeeshay Wasiiradda Arrimaha Guddaha, Amniga, Gaashaandhiga, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Muuqaalka Kulanka Madaxweyne Siilanyo Xafiiskiisa kula yeeshay Wasiiradda Arrimaha Guddaha, Amniga, Gaashaandhiga, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo, ayaa kulan Albaabada loo xidhay kula yeeshay Xafiiskiisa Wasiiradda Arrimaha Guddaha, Amniga. Gaashaandhiga, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
Kulanka oo maanta ka dhacay qasriga Madaxtooyadda, waxa uu ahaa mid saxaafadu dibadda ka joogtay oo aanay goob joog ka ahayn, waxaana markii uu dhamaaday kasoo baxay qoraal warbaahinta loo qaybiyay oo lagu shaaciyay ujeedada kulanka iyo arrimaha lagaga hadlay.
Qoraalkaa oo dhamaystiran, ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta (19.12.2015) kulan lagu dar-dar gelinayo Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Afarta Taliye Ciidan, Wasaaradda Gaashaandiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta (19.12.2015) kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Afarta Taliye Ciidan, Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Kulankaa oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dar gelin lahaa diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka dalka ku soo fool leh bisha March 2017-ka .

In dalkeena ay ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah waa masuuliyad saaran Xukuumadda iyo Hay’adaha kale ee Qaranka ee ay arrintani khusayso. Sidoo kale, qabsoomidda doorashooyinku waa waajib iyo xil-wadareed ummadda oo dhan saaran. Haddaba si taa looga wada hadlo ayaa Madaxweynuhu wuxuu kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Afarta Taliye Ciidan, Wasaaradda Gaashaandiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyaga ayaa codsiga kulankan lahaa si ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee qarankaba uga wada xaajoodaan arrinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka (oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Komishanka Mudane Cabdulqaadir Iimaan Warsame) waxay Madaxweynaha si toosa ugu soo ban-dhigeen inay Komishan ahaan si rasmiya uga go’antahay in la dar-dar geliyo Diiwaan-gelinta Doorashooyinka, maadaama doorashadu tahay waajib cid walba saaran. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay dhawaan ka bilaabmi doonto Gobolka Togdheer, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhammaanba Hay’adaha ay doorashadu khusayso ay arrintan si dhab ah uga wada hawl galaan, hadday tahay xagga nabadgelyada iyo hadday tahay xagga, abaabulka, maamulka iyo isu-dubbaridka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynuhuna wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku raacay oo ku taageeray talada ay soo jeediyeen, wuxxuna ku boorriyey inay sida ugu habboon ee ugu hufan ay u bilaabaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, maadama ay doorashooyin dalka ka qabsoomi doonaan horraanta 2017-ka, hadii Illaahay yidhaahdo. Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu Afarta Taliye Ciidan ku wargeliyey inay si buuxda ula shaqeeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’adaha kale ee ku hawlan arrimaha Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha, gaar haana in iyaga Ciidamo Nabadgelyo ahaan uu xil gaar ahi ka saaran yahay sugitaanka amniga iyo degenaanshaha.

Afarta Taliye Ciidan waxay dhinacooda ballan qaadeen inay si dhab ah ula shaqayn doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka muddada ay ku jiraan hawlahooda. Kulanka waxa iyaguna goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiiru-Dawlaha Amniga Qaranka Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo iyaga laftoodu tibaaxay in qabsoomidda doorashooyinku ay tahay xil-wadareed ummada oo dhan saaran. Sidoo kale Wasiirradu waxay si dhab ah uga marag kaceen muhimadda iyo mudnaanta ay doorashooyinku u leeyihiin dalkeenna, sidaa darteedna loo baahan yahay in guud ahaanba Komishanka Doorashooyinka Qaranka lagala shaqeeyo nabadgelyadao muddadaa ay ku jiraan Gudashada Xilkooda Distooriga ah.

Kulankii wuxuu ku soo gaba-gaboobay is-af-garad iyo hadallo dar-daaran iyo dhiirrigelinba ah oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka isagoo ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadkooda Distooriga ah ee ka saaran arrimaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo qabsoomidda doorashooyinka inagu soo fool leh.” sidaa waxa lagu yidhi qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda kulanaka kadib oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380