Araweelo News Network

This image released by the US Navy shows the Ohio-class guided-missile submarine USS Michigan being greeted on April 25, 2017 as it arrives in Busan, South Korea, for a scheduled port visit while conducting routine patrols throughout the western Pacific. (AFP file photo)


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, wuxuu maanta oo ay bishu tahay 30 April 2017 kulan muhiimada isugu yeedhay Saddexda hay’addood ee kala ah Hanti dhawrka guud ee qaranka , Xeer Ilaalinta qaranka iyo Komishanka Maamul wanaaga.

Nuxurka Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Saddexdan Hay’adood ee Dastuuriga wuxuu daranaa, sidii ay saddexdaa hay’adood uga wada shaqayn lahaayeen ka hortaga, dabagalka iyo xakamaynta lunsiga iyo ku tagrifalka hantida qaranka.

Iyadoo ay hay’add walba leedahay xil iyo masuuliyad uu distoorka qaranku ku waajibiyey hadana madaxweynuhu wuxuu lagama maarmaan u arkay, sidii ay saddexdan hay’adood uga wada hawl geli lahaayeen in hantida qaranka la lunsado maadaama mudo xileedkii xukuumadani uu dhamaad ku dhawdahay.

Hanti dhawrka qaranka, Hay’adda Maamulka wanaagga iyo Xeer ilaalinta Qaranka wuxuu Madaxweynuhu si addag u faray in Hay’add walba ay masuuliyada qaranka u hayso uga soo baxdo sidii ay ahayd.

Baadhista iyo dabagalka lunsiga hantida qaranka waa masuuliyad saaran hanti dhawrka guud ee qaranka. Sidoo kale oogista danbiyada laga galo qaranka ee la xidhiidha lunsiga hantida umadda waxaa u xilsaaran xeer ilaalinta qaranka, Komishanka maamul wanaaggu iyaga xilkoodu waa baadhis xaga maamulka ah iyo toosin iyo tayeynta maamulka dawliga ah, si loo helo maamul hufan oo wanaagsan. Kulankaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka madaxtooyada,Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka wasaaradda warfaafinta, mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), wasiir ku xigeenka madaxtooyada, MudaneAxmed Xaashi Cabdi, madaxda hay’addaha saddexda ah.

Dhammaan saddexdaa hay’addood ee madaxweynuhu la kulamy waxay si buuxda oo mugleh u ayideen hadalkii waayeelnimo iyo dardaarankii madaxweynuhu uu usoo jeediyey, waxaanay saddexdan hay’adood balan qaadeen inay dardar gelin doonaan hawlaha ay qaranka u hayan islamarkaana ay laba jibaari doonaan wada shaqaynta u dhaxaysa dhexdooda si looga hortago lunsiga iyo ku takrifalka hantida qaranka.

Hadalkii uu Madaxweynuhu u jeediyey saddexdan Hay’addood waxa uu u dhigaa sidan:-

Mudanayaal iyo Marwooyin Aad baan ugu farax-sanahay sida aad u soo ajiibteen kulankan saaka aan idiinku yeedhay.

Ugu horreyn, waxaan jecelahay in aan idinku bogaadiyo gudashada waajibaadkiina shaqo, taasoo qayb weyn ka ah hab-sami-u-socodka hawlaha qaranka. Sida aad la socotaan, waxaan ahay Mas’uul caan ku ahaa cimrigii, maamul wanaag iyo nacaybka xatooyada xoolaha ummadda. Muddadii aan qarankan hoggaaminayey, waxaan xooga saaray sidii loo dhisi lahaa qaran ka bad qaba cudurrada ragaadiya horumarka dalka, ee ay kow ka yihiin maamul-xumida iyo musuqmaasuqu.

Sidaa darteed, waxa iga go’an in aan ummaddayda uga tago dhaxal wanaagsan, isla markaana aan naftayda u reebo taariikh duug ah.

Mudanayaal,

Sida aad dareensan tihiin, xilliyada kala guurka marka ay dawladuhu galaan, waxa dhacda in la xalaashado hantida ummadda, boob iyo dhacna uu bilaabmo. Haddaba, si aynu uga hortagno arrimahaa, waxaan idin farayaa in aad laban laabtaan dedaalkiinna, isla markaana xilkiina u gudataan si karti iyo hufnaan leh.

Waxa reebban, ku tagri falka hantida ummadda nooc kasta oo ay tahay, waxaanan idin farayaa in aad feejignaan joogta ah u yeelataan ilaalinta hantida ummadda. Cid kasta oo ay ku caddaato lunsi iyo xatooyo xoolaha qaranka, waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa. Waxaan idiin cadaynayaa in aanay jirin cid sharciga ka saraysaa oo aanu xeerku qabanayn. Waxaan idinka doonayaa, warbixin joogta ah iyo hawlgallo dhab ah, oo lagu ilaalinayo hantida ummadda.