Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo oo qasriga Madaxtooyadda Madaxweynaha la doortay 22 Nov 2017

 

“ Madaxweyne Siilaanyo Waxa Uu Hambalyeeyey Madaxweynaha La Doortay Muuse Biixi, Waxa Uu Ugu Duceeyey Inuu ILAAHAY Xilkaa U Fudueeyo, Waxaanu Ku Dardaaray In Xil Iyo Waajibaa Culusi Saaran Yahay Inuu Mideeyo Ummadda.” Wasiir Xaashi.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.

Kulankaasi oo daaranaa, bariido, duco iyo dardaaran ayaa waxa sidoo kalena goobjoob ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka dalka Cabdiraxmaan Saylici, xuno ka tirsan golaha wasiirada iyo haldoorka xisbiga KULMIYE.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey kulankaasi dex maray labada Madaxweyne waxaanu yidhi Wasiirku “ Maanta waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo qasriga Madaxtooyada ku soo bariidiyey Madaxweynihii cusbaa ee la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay la socdaan masuuliyiin sarsare oo xisbiga KULMIYE ka tirsan iyo Madaxweyne ku xigeenkii dalka oo isna nasiibku siiyey inuu mar labaad noqdo madaxweyne ku xigeenka la doortay.”

Mudane Wasiir Maxamuud ayaa ka hadlay dareenka Madaxweyne Muuse Biixi ee kulankasi waxaanu yidhi “ Madaxweynihii cusbaa ee la doortay Mudane Muuse waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku boggaadiyey sidii uu u soo maamulay qarankan mudadii uu odayga u ahaa, wuxuu ku bogaadiyey sidii uu xil-weyn iskaga saaray isla markaana u agaasimay diiwaangalintii, doorashadii iyo culaysyadii faraha badana ee ay lahaydna sidii uu dhabarka ugu ritay, maadaama oo ay ahaayeen laba nin oo aad isu yaqaana wakhti dheerna soo wada qaatay waxa uu xasuusiyey maalmo qadhaadh oo soo wada mareen iyo maalmo macaan oo ay maantu ka mid tahay, isaga oo xusay inay taniba maalin kale tahay aad ayuu madaxweynuhu jiriidka uga qoslay markii uu arimahaa Muuse falan-qaynayey, waxa uu Madaxweynaha ku amaanay inuu yahay hogggamiye nasiib badan oo kaga dagay kursi si Ikhtiyaari ah isaga oo aan la legdin ama doorasho laga adkaan, isaga oo tanaasulay isla markaana xisbigiisii oday u noqday oo dhisay, waxa kale oo uu ku amaanay khilaafaadkii xisbiga KULMIYE dhexmaray sidii uu uga odayeeyey ee uu u turxaan saaray.”

Wasiirka  Madaxtooyada Somaliland ayaa intaasi kud aray “ Madaxweyne Siilaanyo waxa uu hambalyeeyey madaxweynaha la doortay, waxa uu ku boggaadiyey xilka culus iyo masuuliyada fuushay, waxaanu ugu duceeyey inuu ILAAHAY u fudueeyo, waxa uu ku dardaray madaxweynaha cusub ee la doortay in xil iyo waajibaa culusi saaran yahay, inuu mideeyo ummadda oo uu ka shaqeeyo wadajirkeeda, qaybsankii doorashada, haarihii iyo xagtimihiina in lagama maarmaan ay tahay in xalay dhalay laga noqdo, ummadda oo dhana ayuu ku dardaaray, xisbiga KULMIYE haldoorkiisa wuxuu ku adkeeyey maadaama oo ay yihiin xisbigii guulaystay siyaasad dulqaad iyo dad isku wad leh inay ku hoggaamiyaan talada dalka, Madaxweynaha la doortayna arintaasi inay ka go’an tahay ayuu aad u xusay, inuu dhabadii Madaxweyne Siilaanyo maray maro oo uu noqdo nin hayalsan oo ummaddan isu jiida u odayeeya isugu arimiya, isugu faaliya ayuu balan qaaday, qorshiisana inay arrintaasi ku jirto ayuu cadeeyey.”

Wasiir Xaashi ayaa xusay in uu kulnkaasi ka hadlay Mudane Saylici waxaanu yidhi “ Sidoo kale waxa isaguna halkaa ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay inay nasiib u tahay inuu mar labaad qasiriga Madaxtooyada sii fadhiyo oo uu kaaliye u noqdo Madaxweynaha cusub ee la doortay, oo dhabadii iyo dariiqii hore  maadaama oo uu isagu kooxdii horena ka mid ahaa horumarkaa jilay, waxqabadkaa KULMIYE maanta ku guulaystay, inuu mar labaad la jilo Madaxweynaha cusub oo dardargalin hor leh ayuu balanqaay. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qaranka u rejeeyey guul iyo gobonimo, wuxuu aad u dardaaray inay ummaddu aad u ururto oo midowdo, inay ilowdo xanaftii iyo xagtimihii doorashada dhammaana xalay dhalay laga noqdo arrimhaas.”ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.