Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo oo Gurigiisa ku booqday Xaaji Cabdikariim (Cabdi waraabe) 17 Dec, 2015. Photo File

Madaxweyne Siilaanyo oo Gurigiisa ku booqday Xaaji Cabdikariim (Cabdi waraabe) 17 Dec, 2015. Photo File

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa booqashooyin qarsoodi ah iyo socdaalo temeshle ah ku dhexmaray suuqyada waaweyn ee Magaalada Hargeysa, wuxuuna si gaar ah u abaaray Saldhigyo iyo Baraha Kaantaroolada ee Caasimadda qaarkood.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo xaqiijinaya socdaalka iyo booqashada Temeshlaha ah ee Madaxweyne Siilaanyo ku dhexmaray suuqyada magaalada iyo goobaha gaarka ah ee Saldhigyada Booliska iyo Baraha Kaantaroolada qaarkood.
Hase yeeshee ila wareedyo shebekadda wararka Araweelo News Network (Araweelonews.com), ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Siilaanyo Todobaadkan tiraba sadex jeer goor habeenomo ah xiliyada Caweyska habeen dhaaf uga baxay Madaxtooyadda, iyadoo aanay cidna kala socon masuuliyiinta Xukuumaddaisa, Saraakiisha amaanka iyo ilaaladiisa, isla markaana saraakiisha Boolisku ku baraarugeen oo ka war heleen hal haabeen oo keliya markii uu dhamaystay inata baddan goobo uu doonayay inuu soo kormeero, isagoo markaa kadib deg deg ugu laabtay qasriga Madaxtooyadda markii uu oggaaday inay ka war heleen socdaalkiisa.
xoggaha iyo Ila wareedyada shebekadda Araweelo News Network heshay, ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo caawa markii sadexaad baxay, isla markaana kormeeray saldhigyo iyo suuqyo magaalada Caasimadda ah, gaar ahaan Xaafadaha ina Mooge ee Koonfur Galbeed Magaalada Hargeysa iyo Boqol iyo Kontonka oo dhinaca Woqooyi ee magaalada ah, iyadoo aanay waxba kala socon saraakiisha amaanku socdaalka iyo Booqashada Madaxweyne Siilaanyo oo watay sadex gaadhi oo ah gaadiidka yar yar ee dadka caadiga ah kaxaystaan, isla markaana ku metelayay socdaalkiisa Oday muxtarim ah.
Madaxweyne Siilaanyo oo marar baddan sidan oo kale booqashaooyin ugu baxay xiliyo kala duwan suuqyada Magaalada, waxa ay booqashadiisan kaga duwanayd kuwo hore oo uu sameeyay, wuxuu ka taxadiray in aan la fahmin oo aanay xataa ka war helin Ilaaladiisa, masuuliyiinta xukuumadda iyo saraakiisha Boolisku, wuxuuna Kaantaroolka Magaalada Berbera kaga yimi dhinaca Magaalada Berbera, iyadoo u suurta gashay inaan la baadhin sadexda gaadhi ee ay wateen, isaga iyo dhawr qof oo la socday, kuwaas dad shacab ah oo safar ka yimi isu muujiyay , kadibna gaadiidkii ay wateen sidaa kusoo dhaafeen Kaantaroolka.
sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sida ay xoggaha shebakadda Araweelo News Network heshay tegey Saldhigo ka mid ah kuwa Magaalada, isagoo iska dhigaya Oday caadi ah, isla markaana ka taxadiraya in la garto, kuwaas oo aanay xoggahani iftiimin waxa uu kala hadlay, wuxuuna sidoo booqday suuqyada kale ee magaalada qaarkodo, isagoo goobaha dadka danyarta ah wax ka cunaan shaah ka dalbaday, isagoo gaadhigiisa ku jira, isla markaana maray isgoysyada magaalada inta baddan, wuxuuna markaa kadib ku laabtay qasriga Madaxtooyadda, isagoo ku faraxsan inuu ku guulaystay ujeedada booqashadiisa iyo socdaalkiisa qarsoonaa ee uu kusoo maray meelo baddan, isagoo indhihiisa ku qaatay sawiro uu go'aan kaga qaadan karo wax baddan, wixii uu booqashooyinkaa kala kulmay.

Muddooyinka waxa adkaatay in warbaahintu hesho xoggaha iyo wararka la xidhiidha dhaq-dhaqaaqa madaxweynaha iyo waxyaabaha ka socda qasriga Madaxtooyadda, iyadoo Madaxweyne socdaaladiisa xiligan iyo kulamo xidhiidha ah oo uu muddooyinkan qasriga Madaxtooyadda kula kulamay Masuuliyiinta xukuumaddiisa iyo Ururada Bulshada u muuqdeen kuwo meesha ka saaraya Afartii sanadood ee u danbeeyay sawirka laga haystay Madaxweyne Siilaanyo iyo gudashada waajibkiisa shaqo, taas oo lala xidhiidhinayo inay sabab u ahaayeen Koox waddaado ah oo Madaxweyne Siilaanyo u muujiyay maxbuus mudadaa Afarta sanadood ee ay ku xeernaayeen, kuwaas oo dhowaan markii ay iskood isaga casileen xilalkii ay hayeen laba bilood ka hor . kadib khilaaf ka dhashay doorashadii musharaxa xisbiga KULMIYE, ay soo laabatay awoodii iyo Haybadii Madaxweyne Siilaanyo oo la arkay, isagoo si toos ah kulamo isdaba joog ah ula yeelanaya bulshada iyo masuuliyiinta xukuumaddiisa.
si kastaba ha ahaatee booqashooyinkan iyo socdaalada qarsoon ee Madaxweyne Siilaanyo ku marayay dhawrkii habeen ee u danbeeyay suuqyada magaalada iyo goobaha muhiimka ah, ayaa la filayaa inay saamayn ku yeeshaan Hay’addaha amaanka ee dalka, waxaana la filayaa inuu go’aan kaga qaadan karo wax baddan, wixii uu booqashooyinkaa kala kulmay.
.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380