Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

waxaan xulufo  la noqonay  nadiifiyayaal, waa nacasnimo, Doqmo ayaan nahay” Trump

Wahington(ANN)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa qiray in xulufaysiga dalkiisu la galay dalalka Khaliijka ee Bariga Dhexe ay u horseeday nacasnimo, isla markaana ku tilmaamay joogitaanka Maraykanka ee Bariga dhexe mid khasaare ah.

Trump, wuxuu sheegay in dalkiisu ku isticmaalnay dalalka Bariga Dexe dhaqaale gaadhaya $ 8 tiriliyan dollar, isagoo yidhi,  “taasi waa nacasnimo, sideed tiriliyan. Laakiin haddii aad u baahantahay inaad buuxiso Buul, “Oh,” ma awoodi karno taas. Innagu in aan doqmo nahay oo nacasyo ayaan nahay!”

Dhawaaqyadan cabashada iyo qoomamada ah, wuxuu Madaxweyne Trump, ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Isniinta, isagoo si cad u tilmaamay in joogitaanka Maraykanka ee Bariga Dhexe uu sii waday inuu khal-khal geliyo gobolka.

Trump, ayaa ka dayriyay sida aannay xilligan Maraykanku ugu diyaarsanayn khatarta ka jirta ganacsiga ama siyaasada, gaar ahaan xaaladda siyaasada dalkiisa ee Bariga Dhexe iyo  ficillada, xeeladaha, ama fikradaha loo arko inay yihiin cabsi ama xisaab la’aan.

“Annaga waxaan xulufo  la noqonay  nadiifiyaha, (the cleaner by allies), mana ahan cadaw oo kaliya. Xaqiiqdii, xulufadu waxay noo qaateen wax aad uga badan cadawga.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Trump, isagoo xulufada uu gobolka ku lahaa ku macneeyay kuwo aan waxba dhaamin nadiifiyayaal  nad

Madaxweyne Trump, wuxuu markii uu xafiiska la wareegay sii hurinayay xiisaddaha gobolka, isagoo lalkameesha ka saaray heshiiskii Madaxweyne Obama iyo dalalka kale ee Yurub la gaaleen Xukuumadda Iran, taas si weyn u muujisay inay si badheedha gobolka isugu hirdiyaan Maraykanka oo xulufo la ah dalalka Khaliijka ee Saliida qaniga ku ah iyo Xukuumadda Iran oo ku xidhan Xulufada Ruushka, waxayna Iran si badheedh ah u go’doomisay siyaasada xulufada Maraykanka ee gobolka, iyadoo si badheedh ah laysugu hirdiyay Syreia, Ciraaq iyo Yemen oo qalalaase iyo hirdan collaado iyo dagaalo ka socdeen.

Balse Maraykanka iyo xulufada Khaliijka ee Sucuudigu kowga ka yahay ayaa loo siyaasad ahaan loo qaawiyay, taas oo keentay in Oct, 2018, Maraykanku kala baxo Ciidmadiisa taageerayay kooxaha ku kacsanaa Xukuumadda Bashar Asad ee ay ka mid ahaayeen Jabhada SDF iyo Kurdiyiinta ku kacsanaa Turkiga, kuwaas oo ku sugnaa aagaga dagaalka Syria ee Bariga, iyadoo magaalada Aleppo ee (Ceynal- carab) ahayd xudunta dagaalka, halkaas oo ay isku hirdiyayeen xulufada Maraykanka, dalalka Khaliijka iyo xulufada Yurub oo isku dhinac ahaa iyo Iran iyo Ruushka oo taageerayay Xukuumadda Bashar Al Asad.

Tallaabadaa oo Madaxweyne Trump iyo xuluafadiisa ku keentay fashil siyaasadeed, ayaa sababtay in ay is casilaan Saraakiil sare oo ka tirsan maamulkiisa, walaw mar kale uu Madaxweyne Trump sheegay inuu geynayo ciidamo halkaa, kuwaas oo uu sheegay inay taageerayaan Malayshiyada Kurdiyiinta YPG. Laakiin iskaashiga u dhexeeyay Maraykanka iyo Kurdiyiinta ayaa ka cadhaysiiyay Turkiga, kaasoo u arkay maleeshiyada Kurdiyiinta YPG – oo ah koox  u dagaalamay inay  madax-bannaani ka hesho Turkiga.

 Dagaalka xulufada iska soo horjeeda ee sida weyn saamaynta hirdanka ugu yeeshay mandaqada Bariga dhexe, ayaa u gudbay Yemen oo mar kale ay xulufadu isku waajaheen,  waxayna guuldaradii siyaasadeed, dhaqaale iyo Millateri ee kasoo waajahday Maamulka Madaxweyne Trump, markii ay isaga iyo xulufadiisu gar-waaqsan waayeen guul-darada dagaalka, iyadoo xulufadii Sucuudigu u liistaystay dagaalka Yemen ku gacan-saydheen, taas oo keentay fashil kale oo soo waajahay, wixii markaa ka danbeeyay Madaxweyne Trump Maamulkiisa iyo Xulufadiisa oo u arkayay inuu Major General Qassem Soleimani oo ahaa taliyaha ciidamada Quddus ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran yahay xudunta sababta u ah guuldaradooda mandaqada, wuxuuna Madaxweyne Trump, amar ku bixiyay in gantaal dhinaca circa ah lagu dilo 3 Jan 2020, isagoo ku sugnaa Madaarka Magaalada Baqadaad ee dalka Ciraq.

  Major General Haj Qasem Soleimani, waxa si weyn dilkiisa looga canbaareeyay dalalka Pakistan, Gobolka Khamir, Yemen, Ciraaq, Syria iyo meelo kale,kuwaas oo banaanbaxyo waaweyn laga sameeyay, sidoo kale waxa laga dareemay dunida islaamka ee neceb duulaanka Maraykanka iyo guud ahaan mandaqada Bariga dhexe oo geeridiisa si weyn u taabatay.


Major General Haj Qasem Soleimani, ayaa lagu sifeeyey inuu ahaa hoggaamiye si weyn u go’doomiyay siyaasada xulufada Maraykanka iyo Isreil ee mandaqada, wxaana xilligaa  la saadaalinayaa in geeridiisu saamayn weyn ku yeelan doonto danaha Maraykanka ee mandaqada.

Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Sayyed Ali Khameneyni, wuxuu ku tilmaamay Dilka lala beegsaday General Haj Qasem Soleimani,  mid gardaro cadaan ah, wuxuuna balanqaaday i nuu Maraykanku qooma-mayn doono oo ay wax baddan ku waayayaan, iyadoo Xukuumadda Iran weerraro ku qaaday saldhigyada Maraykanka ee Baqadaad, waxaana ugu u dhintay aargoosigiisa in ka baddan 50 , ka mid ahaa Ciidmada Maraykanka eek u sugan Ciraaq, iyadoo arrintan cabsi weyn iyo wer-wer ku keentay Maraykanka, kadib markii xukuumadda Ciraaq ugu baaqday inuu ciidamadiisa kala baxo.

Balse Trump, ayaa sheegay in dhaqaale baddan iyo maalgelin kaga baxday dib u dhiska Ciraaq, isagoo ku andacooday inay u sameeyeen wadooyin waaweyn iyo Madaaro aan ka dhisnayn dalkiisa, sidaa awgeed wuxuu ku dooday in haddii loo celiyo kharashka ka galay uu ciidamadiisa kala baxayo, walaw uu mar kale qaar ka mid ah ciidamada ka jooga Ciraaq kala baxay markii si weyn ay usoo waajahaday cabsi.

Si kastaba ha ahaatee xilligan Madaxweyne Trump, ay kasoo baxeen dhawaaqyada calaacalka iyo qoomamada siyaasadiisa ku waajahan Bariga Dhexe, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo wax ma tarayaal ah, sidoo kale kusoo beegantay xilli dalka Maraykanku uu waajahay caabuqa Coronavirus ee (COVID-19), kaas oo si weyn saamayn ugu yeeshay dhaqaalaha Maraykanka iyo dunida kaleba, iyadoo qiimaha saliida uu gaadhay heerkii ugu hooseeyey, isla markaana geyeysiiyay in Maraykanku ka dalbado Turkiga iyo dalal kale inay caawimooyin lasoo gaadhaan, maadaama dalkiisu noqday ka dhimashada ugu baddan uu ka geystay caabuqa aduunka ku baahay ee COVID019.