Warbixin: Carraale M Jaamac

Abu Dhabi(ANN)-Dawladda Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa xaqiijiyay, in  maraakiib ganacsi oo ay leedahay lagu bartilmaameedsaday meel u dhow biyaha dalka Cumaan.

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed kasoo baxay saacado ka hor Wasaarada Arimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta oo xaqiijisay in Afar maraakiib ganacsi ah lagu bartilmaameedsaday, hawlgallo shirqool ah.

War-murtiyeedka oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee loo soo gaabiyo, WAM. ayaa intaa ku daray in anay jirin cid wax dhibaato ah kasoo gaadhay weerarkaa, balse wax  suurtagalka ah in  maraakiibta ganacsiga khasaare burbur soo gaadhay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow Cumaan, isla markaana Al-Fujairah oo ah mid ah xarumaha ugu weyn ee Saliida, waxayna isku xidhaa gacanka Cumaan iyo Hormuz, sidoo kale Fujairah waa  dekedda saddexaad ee ugu weyn Suuqa saliida, taas oo 140 kilometers (85 miles) u jirta gacanka  Hormuz oo 90% , ay marto saliida wadamadda Khaliijka ee dunida laga iibiyo.

Sidoo kale Dekedda Fujairah, ayaa  ah mid istaraatiijiga ah, oo u adeegta maraakiibta isaga goosha dunida  ee Gacanka Carabta, Hindiya iyo Afrikaba.

Goor sii horaysay ,Telefishan fadhigiisu yahay dalka Lebanon oo lagu magcaabo Al Mayadeen television, ayaa sheegay in todoba maraakiibta loo yaqaan Tangarada ee saliida qaada lagu weeraray dab la qabadsiiyay  Dekedda  Saliida al-Fujairah, isla markaana la maqlayay qaraxyo ka dhacay halkaa,  laakiin Brigadier Ali Obaid al-Taniji, oo ah agaasimaha waaxda difaaca rayidka ee Fujairah, ayaa u sheegay Wargeyska Emarat al-Youm oo maalinle ah in aanay jirin dab ama qarax ka dhacay dekedda Fujairah.

 Walaw ay  jirto diidmada xukuumadda Imaaraadka, hadana  in qaraxu dhacay waxa ku adkaysanaya  qaar ka mid ah ilaha warbaahinta, kuwaas oo sheegaya in la aqoonsaday  tirada maraakiibta shidaalka ee  qaraxyada lala beegsaday, kuwaas oo ay soo saareen nambarradooda  oo ay ku sheegeen sida soo socota: AMJAD tanker No.: 9779800, Al Marzouqah tanker, No.: 9165762, Miraj oil tanker,No.: 9394741, A.MICHEL oil tanker, No.: 9177674, FNSA10 oil tanker , No.: 9432074

Dhinaca kale Ciidanka Maraykanka ee Badda ee ilaaliya gobolka, ayaan wax faah=faahin ah ka bixin dhacdada. Masuuliyiinta Imaaraadkuna waxay diideen in ay faahfaahin ka bixiyaan inta ay socdaan baadhitaankoodu.

Dhacdadan,  ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda Maraykanku ay ka digtay Khamiistii in Iran ay bartilmaameedsanayso  Maraakiibta  ganacsiga.

Saraakiisha Maraykana, ayaa ka digayay tan iyo bilowgii bishii May, in ay jiraan waxyaabo muujinaya suurtagal dheeraad ah in Iran, ama wakiilladoodu ay tallaabo ka qaadi karaan Maraykanka iyo kuwa ay ka dhexeeyaan dano iskaashi, oo ay ku jiraan kaabayaasha wax soo saarka saliidda, ka dib markii ay dhawaan ku hanjabeen in ay xidhayaan marinka caalamiga ah ee Hormuz,” digniinta. “Iran ama wakiilladoodu waxay ka jawaabi karaan bartilmaameedyada maraakiibta ganacsiga, oo ay ku jiraan kuwa saliidda, ama maraakiibta milatariga ee Badda Cas, Badda-gacanta Babal Mandeb, ama Khaliijka Faaris.”

Sioo kale warar sheegaya horraantii toddobaadkan, dhawr qaraxyo xooggan ay ka dhaceen magaalada dekedda leh ee Yanbu ‘,  ee dalka Sucuudiga, taas oo ah Dekedda dhanka Saliida ugu weyn ee dalkaa, isla markaana ah saldhiga maraakiibta muhiimka ah ee boqortooyada.

Balse ma jirto faahfaahin dheeri ah oo illaa iyo hadda loo hayaa, ma jiro koox ama qof shakhsiyad  mas’uul ka ah qaraxyada oo lala xidhiidhiyay.

Dhammaan arrimahan waa kuwo muujinaya in xiisada u dhaxaysa dalalka Maraykanka iyo xulufadiisa ee Khaliijka oo Saliida qaniga ku ah iyo Dalka Iran oo arrintoodu meel adag marayso, waxaana  hubin in Aqalka Cad uu amar ku bixiyo in markabka USS Abraham Lincoln iyo kuwa B-52 ee ku sugan gobolka tan iyo  4-tii March ee sannadakan, waxaana saldhigyada Maraykanka ee Al Dhafra Air Base oo ku yaal dalka Imaaraadka kusoo qulqulaya ciidamo iyo saanad milateri

Sidoo kale Diyaaradaha dagaalka ee B-52H, ciidamo iyo saanad milateri, ayaa lasoo dhoobay maalmihii u danbeeyay Al Udeid Air Base oo ah Saldhig Maraykanku ku leeyahay dalka Qatar.

Saldhigyada Maraykanka ee ku yaal Khaliijka, ayaa heegan la geliyay, waxaana ay u muuqata in xaaladu sii xumaanay, iyadoo Brigadier General Amir Ali Hajizadeh oo u hadlay Milateriga Iran ku hanjabay in ay ku shalayn doono Maraykanku haddii uu isku dayo in uu dalkooda soo weeraro, wuxuuna ku hanjabay in ay adeegsanayaan gantaalaha gaadha 300 kilometers iyo haddii loo baahdo kuwo cusub oo gaadhaya 700 kilometers, kuwaas oo beegsanaya maraakiibta Maraykanka ee ku sugan mandaqada.

Weerar Maraykanku ku qaado dalka Iran, ayaa lagu tilmaamay arrin aan si yar u dhici Karin, iyadoo la rumaysanyahay weerar Iran lagu qaado oo si fudud u dhacaa in uu noqonayo mid aan la dafiri Karin cawaaqib-xumada ka dhalan karta iyo saamaynta uu mandaqada iyo dunida kaleba ku yeelanayo.