Araweelo News Network

alshababWashington (ANN)Laba haween Soomaali ku nool dalka Maraykanka, ayaa la sheegay in lagu helay dambi ah inay lacago taageero ay ugu talogaleen kooxda Al-shabaab ay sii mariyeen magaalooyinka Hargeysa iyo Nairobi.
Maxkamad heer Federaal ah oo ku taal bariga Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, ayaa xukuntay in ay dambiilayaal yihiin Muuna Cismaan Jaamac oo da’deedu tahay 36 sanno jir iyo Hinda Cismaan Dhiirane oo jirta 46 sanno, kadib markii lagu helay lacag ay u ururiyeen kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.
Labada dumarka ah ayaa lagu eedeeyey inay si qarsoodi ah khadadka telefoonka iyo internetka ugu abaabuleen koox haween tiradoodu dhan tahay 15 qof, kuwaas oo iska ururiyey lacago ay Al-shabaab ugu talogaleen iyagoo ka soo kala jeeda dalal kala duwan ay ka mid yihiin; Soomaaliya, Kenya, Masar, Holland, Sweden, Ingiriiska, Kanada (Canada) iyo magaalada Minneapolis ee Maraykanka, kadibna lacagtaasi sii mariyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo magaalada Nairobi ee Kenya.
“Ka wadashaqaynta kooxdan ee taageerada iyo lacagta waxay sii marinayeen oo lagu fududaynayey si ay u xaqiijiyeen in lacagtu gaadhay dad ay wadashaqaynayeen oo ku sugan Nairobi iyo Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Kaaliyaha Agaasimaha ku shaqada leh dacwaddan ee hay’adda Dambi-baadhista Maraykanka ee FBI oo magaciisa la yidhaa Paul Abbate.
Caddaymaha la horkeenay Maxkamadda ayaa laga soo xigtay in Muna Cismaan Jaamac ay iyadu xidhiidh la lahayd dad jooga Hargeysa oo ay lacagta u soo diri jirtay, halka Hinda Cismaan Dhiirane iyadu qaabilsanayd dhinaca Nairobi.
Waxa maxkamadda lagu soo bandhigay fariimo codad ah oo laga duubay labadan haween ah oo telefoon ku wada sheekaysanaya waqti hore ayaa muujiyey inay taageero ay u hayaan oo ay xidhiidh dhaw la leeyihiin hoggaanka Al-shabaab, sidoo kale waxa laga duubay iyagoo ku qoslaya weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaaday dhismaha suuq-yaraha Westgate ee Nairobi ku yaal. Waxa kaloo laga duubay mar kale iyagoo ku maadsanaya weerarkii bambooyinka ee lagu fuliyey oradkii magaalada Boston ee Maraykanka.
Xeer-ilaaliyaha degmada Bari ee Virginia u qaabilsan dawladda Maraykanka oo magaciisa la yidhaa Dana J. Boente, ayaa sheegay in dumarkani taageereen koox argagixiso ah, waxaannu yidhi, “Dumarkani waxay lacag ku maalgalinayeen urur argagixiso ah oo falal amni-darro ah ka wada Soomaaliya. Taageerada urur argagixiso oo dibadeed waa dambi aad u culus Maraykanka.”
Muna Cismaan Jaamac iyo Hinda Cismaan Dhiirane, ayaa la xidhay bishii July ee sannadkii 2014, iyadoo isla waqtigaasi ciidanka Booliska dalka Holland xidheen Farxiya Xasan oo ka mid ahayd kooxda haweenka 15-ka ah.
Xakunka ugu dambeeya ee labadan haween ee asalkoodu Soomaaliga yahay, ayaa lagu wadaa inuu dhaco 19 bisha January ee sannadka soo socda ee 2017.