Araweelo News Network

Gen. Thomas Waldhause

Washington(ANN)- Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykaanka ka jooga Afrika ee loo soo gaabiyo (AFRICOM),  Gen. Thomas Waldhauser, ayaa ka hadlay Ammaanka Soomaaliya Iyo sida Nabad looga samayn karo

Gen. Thomas  waxa uu sheegay in Milliteriga Maraykanku ay sii wadi doonaan sidii loo dhisi lahaa awoodda Ciiddanka Dawladda Federaalka  ee Soomaaliya si ay ula  dagaalami karaan Xoggaga Al-shabaab  iyo Daacish.

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykaanka ka jooga Afrika ee loo soo gaabiyo (AFRICOM), Gen. Thomas, wuxuu sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu kasoo saaray Xafiiskiisa Hawlgalka AFRICOM.

“Siyaasadayadu waxay tahay inaan taageerno dadaalka Somalia ee lagu dhiiri-gelinayo sidii ay u soo goosan lahaayeen Xubnaha ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish iyo in la taageero Ciidamadda dawladda Federaalka” ayuu yidhi Gen. Thomas Waldhauser, wuxuuna intaa ku daray marka ay arrimahaasi suurtagal noqon waayaan inay Milliteriga Maraykanku beegsan doonaan Kooxahaasi, si loo ballaadhiyo hadafka Iyo Ujeedada laga leeyahay oo ahmiyada ugu weyn uu ku tilmaamay deganaanshaha  Somalia.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Maraykanka ay ka go’an tahay sidii loo dhisi lahaa Degaan Ammaan ah oo Isku filan  oo xidhiidh la leh Dib-u-heshiisiinta iyo Dhismaha Dowlad Karti leh oo ay wakiilo ku leeyihiin Dadka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka Gen. Thomas Waldhauser waxa lagu muujiyey waxa loogu yeedhay qiimaha u yeelanayo dedaalka Maraykanka ee ah in dawladda Madaxweyne Farmaajo ay taageero ka geysan karto Mideynta Soomaaliya oo ah dal burburay muddo haatan laga joogo 30-sanno.

Madaxweyne Farmaajo oo la caleemo saaray bishii Feberuary  ee sannadkan, waana  Muwaadin haysta Dhalasho Maraykan ah, kana soo shaqeeyey Waaxda Gaadiidka ee maagalladda New York, ka hor intii aanu Madaxweyne ka noqon Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Trump markii Xukunka la wareegay, waxay Ciidamadda Maraykanku hawlgalo Dhinaca Cirka ah Iyo kuwo dhulka ah oo ay garab siinayaan ciidanka Federaalka Soomaaliya ka fuliyeen meelo baddan oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo duqaymahaa lagu sheegay kuwo lagu bar tilmaamaeedsaday kooxaha Al-shabaab balse hawlagalada duqaynta waxa inta baddan dhibaato kasoo gaadhaa dad shacab ah.

Soomaaliya, waxa ku sugan Ciidamo gaadhaya 20,000, kuwaas oo lagu magcaabo Hawlgalka AMISOM ee Dalalka Afrika oo ay ugu badan yihiin kuwa ka socda Uganda , Ethiopia Iyo Kenya, walaw Midawga Afika sheegeen in marka la gaadho sannadka 2018, ay ka baxayaan Soomaaliya.

Sidoo kale Maraykanka oo ugu yaraan 500, oo Isugu Jira Millateri Iyo Shaqaale ka joogaan Soomaaliya, Waxaana Qaar ka mid ah ciidamadan loo xilsaaray Xarunta Isuduwidda hawlgalada Muqdisho ee AFRICOM, oo hawlgallo ka geysatay Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ku yaala xeebaha xeebaha

Maraykanka, ayaa  mudooyinkii u danbeeyay kordhiyay weerrarada Dhinaca Cirka ee Soomaaliya, taas oo sababtay in Al-shabaab ka baxaan deegaamo ay muddo dheer haysteen, balse maaha wax cusub in Al-shabaab sidan oo kale uga baxaan iskood deegaamo ay horre uga talinayeen, iyagoo muddo Kadibna kusoo laabta.