Araweelo News Network

US Ambassador Somalia Stephen Schwartz, photo by, Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Dawladda Maraykanka, ayaa ku baaqday in doorashada Madaxtooyada Somaliland noqoto mid lagu kalsoonyahay oo ku qabsoonta waqtigeeda.
Wefti culus oo ka socda dawladda Maraykanka oo uu hoggaaminayo Safiirka dalkaasi u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland ee fadhigiisu yahay Nairobi Ambassador Stephen M. Schwartz oo booqasho ku yimi Somaliland, ayaa kulamo uu la yeeshay madaxda Somaliland ee xukuumadda, masuuliyiinta xisbiyada siyaasadda iyo Komishanka Doorashooyinka ay ku taliyeen in aanay doorashadu dib uga dhicin waqtigeeda, isla markaana ay noqoto mid daah-furan oo kalsooni abuurta.
“Amb. Schwartz waxa uu kulamo la yeeshay siyaasiyiinta Somaliland, hoggaamiyayaasha, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, waxaannu ku dhiirrigeliyey doorasho lagu kalsoonyahay oo waqtigeeda ku dhacda.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ku leedahay barta Twitter-ka.
Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay weftigan Maraykanka ah shalay, isagoo ay wehelinayeen Wasiirrada Wasaaradaha Khaarajiga, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Diinta iyo Aw-qaafta, Deegaanka iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, waxa wadahadal dheer ay kaga yeesheen xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, arrimaha Somaliland ee doorashooyinka, abaaraha iyo mucaawanooyinkaba.
Safiirka Maraykanka Amb. Stephen M. Schwartz oo kulankaasi kadib warbaahinta la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobada ay ka wadahadleen, waxaannu yidhi, “Waxaannu ka wadahadalnay run ahaatii horumarka wayn ee Somaliland gaadhay muddadii rubuc-qarnigii u dambeeyey, xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo shaqada badan ee aannu halkan ka qabanno iyo sida aannu u sii xoojin lahayn, waxaannu ka wadahadlanay saamaynta abaartu kaga tagtay dadka reer Somaliland, doorashada Madaxtooyada soo socota ee bisha November iyo taageerada dawladda ee arrintaa. Waxaannu ka wadahadalnay ammaanka, iyadoo nabadgalyo aad loo tirxgeliyo ay Somaliland iyo dadkeennu ka sameeyeen halkan iyo gobolkaba iyo weliba meelo kale oo aannu sii wadi karno in aannu ka wadashaqayno, runtiina wuu sii korayaa xidhiidhkaasi.”
Waxa kaloo uu ballanqaaday inuu joogtayn doono booqashada Somaliland oo ah markii u horreysay ee uu yimi, kadib markii ay soo jiidatay nabadda iyo horumarka Somaliland, “Tani waa booqashadaydii u horreysay ee Somaliland, laakiin maaha kii u dambeeyey ee waxaan ballanqaadayaa in si joogto ah ugu soo noqnoqodo karaankayga inta ka horreysa doorashada, taa ka sakowna xubno ka mid ah safaaradda Maraykanka ayaa yimaada, hore u yimi oo iman doona mustaqbalka, waxa jira arrimo badan oo laga qabto halkan oo lala wadaago dawladda iyo shacabka reer Somaliland, waxaannuna doonaynaa in aannu sii horumarino xidhiidhkaasi,” ayuu yidhi Safiirku.
Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna ka hadlay natiijada kulanka ay la yeesheen weftiga Safiirka oo uu ka mid yahay Madaxa hay’adda mucaawanooyinka Maraykanka ee USAID, waxa uu sheegay inay si fiican isugu afgarteen arrimihii ay ka wadahadleen danjiraha Maraykanka.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Saaka (shalay) waxa halkan bookhasho inoogu yimi wefti ka socday safaaradda Maraykanka oo uu hoggaaminaayo safiirka Maraykanka Soomaaliya iyo Somaliland ee fadhigiisu yahay Nairobi Amb. Stephen M. Schwartz iyo madaxa haya’dda USAID. Waa markii ugu horraysay ee ay inoo soo siyaartaan si ay ula kulmaan dawladda, axsaabta iyo ururrada bulshada si ay ugu kuurgalaan xaaladeena xagga abaaraha, doorashooyinka, xagga bulshada iyo dhinacyo fara badan.
Shirkaa waxa noo guddoomiynayey Madaxweyne-ku-xigeenka si aad iyo aad u wanaagsan ayuu noogu dhacay, si saraaxad lehna waanu isugu warranay, waxaannuna rajaynayaa cilaaqaadkeena innaga dhexeeya Marayanka oo awalba wanaagsanaa inuu ka sii wanaagsanaado intii hore, Insha Allah waxaannuna rajaynayaa inay mar kale nagu soo noqdaan musqablka.”