Maca alkumaraka

Mac-Mukarama(ANN)Masiibo ayaa ku habsatay muslimiin magaalada Barakaysan ee Makal-mukarama u tegey inay qayb ka noqdaan muslimiinta doonaya inay gutaan sanadkan Xajka. kaddib markii Wiish kusoo dumay qayb ka mid ah Masjidka weyn ee Makal-mukarama.

Xukuumadda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 87 qof ku dhinteen markii ay dhacday masiibadaa, isla markaana 180 kale dhaawacyo soo gaadheen, iyadoo wararka qaar sheegayaan in dhimashada iyo dhaawacu intaa ka badnaan karaan.
lama ogga sababta keentay in Wiishkaa oo ka qayb qaadanayay Balaadhinta Xaramka ee dawlada Sucuudigu wado halkaa uu soo dhaco, isla markaana waxyeelada intaa leeg gaadhsiiyo dadkii ku cibaadaysanayay Masjidka Makal-mukarama.

Muuqaalo sawiro naxdin leh oo laga qaaday goobta markii masiibadu dhacday, ayaa lagu baahiyay baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ee Internetka, waxayna xukuumadda Sucuudigu sheegtay inay baadhay sababta dhalisay shilkaa.

Masiibadan ayaa kusoo beegantay, iyadoo kumanaan muslimiin ah oo dacalada dunida ka kala yimi kusii qul-qulayaan dhulka Barakaysan si ay u gutaan waajibaadka Xajka oo sanadkii hore la yareeyay dadka ka imanaya shucuubta Islaamka, sababo la xidhiidha dhismayaasha iyo balaadhinta ka socotay awgeed, iyadoo maalmo yar ka hadheen gudashada sanadkan u qorshaysan Malaayiin qof oo doonaya inay Waajibaadka Xajka oo ka mid ah Tiirarka Diinta Islaamka soo gutaan.

Sanadkii u danbeeyay waxay dawlada Sucuudigu qorshaysay in lasii balaadhiyo Masjidka oo lagu daray 400,000 square metres, taas oo u dhiganta (4.3 million square feet), iyadoo qorshuhu yahay inay hal mar waajibaadka Xajka ku gudan karaan muslimiin lagu qiyaasay 2.2 million oo ka kala imanaya daafaha dunida.
arrinta balaadhinta ayaa timi markii dawlada Sucuudigu qorshaha cusub ee balaadhinta gaadhay markii ay aragtay baahida sanad walba ka imanaysa muslimiinta doonaya inay gutaan Waajibaadka Xajka tan iyo sanadkii 2012, isla markaana si weyn loo dareemay muslimiinta sanad walba soo kordhaya, taas oo khasab ka dhigtay in balaadhin lagu sameeyo Masjidka Maca Almukarama, iyadoo sanadkii 2006 ay ku dhinteen dad gaadhaya 350 qof, kuwaas oo is jiidhay markii ay cidhiidh dareemeen, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews