Share this:

" />
Published On: Thu, Mar 7th, 2019

Maxaa Lagaga Hadalay Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland

Smiley face

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii 30-aad ee golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada, waxana lagaga dooday, laguna ansixiyey siyaasado iyo xeerar qaranka faa’iido badan u leh.

Kal-gadhigan oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayey xubnaha golaha wasiirradu ku ansixiyeen xeerka garyaqaanka guud ee qaranka, kaas oo qeexaya xilka iyo waajibaadka xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka oo ka kooban diyaarinta qaybo-qoraallada xukuumaddu curiso, la-talinta sharci ee dhammaan hay’adaha xukuumadda, metelaadda dacwadaha medinga ah ee dhammaan hay’adaha dawladda iyo inuu faafinta rasmiga ah kusoo saaro gebi ahaanba xeerarka ansaxay ee qaranka.

Sidoo kale, golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey nuqullada siyaasadda shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo wax-ka-beddelka xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004.

Dhinac kale, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa warbixinno lagaga dhegaystay wasiirrada wasaaradaha macdanta iyo Tamarta iyo horumarinta biyaha, iyaga oo golaha hortooda kusoo bandhigay qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahoodu ku hawlannaayeen sannadkii dhammaaday iyo sannadkan soconayaba, isaga oo wasiirka Macdanta iyo Tamartu golaha ka hor jeediyey ahmiyadda ay shidaal soo saaristu qaranka u leedahay iyo sida ay wasaarad ahaan ugu hawllan yihiin inay dalka gaadhsiiyaan koronto ku filan oo laga dhalinayo Tamarta qorraxda.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in qaranka laga haqab-tiro biyo ku filan, isaga oo xusay in muddadii uu wasaaradda joogayna uu horumariyey gebi ahaanba ceelashii iyo dhaamamkii aynnu hore u haysannay, islamarkaana ay soo kordhiyeen ceelal faro badan, iyada oo diiradda la saarayo meelaha ay biyo la’aantu ka jirto, taasina ay safka hore kaga jirtey barnaamijkii ololaha xisbiga KULMIYE iyo siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku wajahan helitaanka biyo nadiif ah oo gaadha dhammaanba shacab weynaha reer Somaliland.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp