Araweelo News Network.

 

 

Waa Kuma Hoggaamiyaha Loo Nisbeeyay Guusha Lama Filaanka Ah ?

Jabhad iska caabin ah oo la magac baxday Tigray Defence Forces (TDF), oo la sameeyay toddoba bilood ka hor, balse ay kaalmaynayaan dagaalyahannada TPLF iyo kuwo kale si lama filaan ah u qabsadeen Isniintii lasoo dhaafay gobolka Tigray siddeed bilood kaddib markii ay dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah kula jireen ciidamadda dawladda Federaalka Ethopia iyo kuwa dalka Eriteria oo ay taageerayeen malayshiyaad gobolka Amxaarada ah.

Dagaalka huwanta ciidamadda Federaalka Ethiopia iyo kuwa ay xulufada ku ahaayeen qabsashada Tigray, ayaa bilaabantay November 2020, kaddib markii khilaaf weyn oo u dhexeeyay maamulka gobolka iyo xukuumadda Federaalka ah isugu biyo shubtay collaad dhiig badan ku daatay, isla markaana sababtay in ay ka qaxaaan guryahooda ugu yaraan 2 milyan oo qof, iyadoo 5 milyan oo kalena ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, halka bolaal kun oo kale waajahayaan macaluul, sida ay, sida ay shaacisay Qaramada Midoobay oo ku tilmaantay xaaladda gobolka Tigray dhibaatada cunno la’aaneed ee adduunka ugu ba’an muddo toban sano ah.

Sidoo kale, muddadii siddeeda bilood ahayd ee dagaalka Tigray, waxa soo baxayay dhawaaqyo iyo muuqaalo naxdin iyo muruggo ah, kuwaas oo hay’addaha xuquuqda Aadamaha ee caalamiga ah ay warbixino xasuuq , kufsi iyo tacadiyo ka dhacay gobolka ku iftiimanayeen.

Jabhada ala baxday iska caabinta ee “Tigray Defence Forces (TDF), oo ay kaalmaynayaan dagaalyahannada TPLF iyo kuwo kale ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta gobolka Isniintii lasoo dhaafay, iyadoo tani muujisay xusuusta soddon sannadood ka hor markii ay Jabhadii dagaalka muddada dheer kula jirtay Taliskii Millateri ee Mengistu Haile Mariam, sidaana ay kula wareegtay xukunka TPLF, oo markii danbe samaysay xisbigii (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) ERPDF, kaas oo ay ku middoobeen dhawr xisbi, waxayna xukunka dalka gacanta kui hayeen tan iyo waqtigaa, balse markii EPRDF, oo TPLF, ay hormood u tahay xukunka u magcaabeen Abiy Axmed oo 2018 inuu noqdo  ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, kaas oo markii danbe ay isku dhaceen, isagoo gebi ahaanba ka hor yimi siyaasadii ay dalka ku hagayeen soddonka sannadood.

Hase yeeshee guusha lama filaanka ah ee mar kale xusuusta Taariikhda iyo isbedelka Ethiopia, waxayna taasi sababtay in lays weydiiyo sababta horseeday guusha mar kale ee TPLF iyo iska caabinta TDF, waxaana ka mid ah kuwa lagu suntay guusha xilligan ee Tigray Taliyaha xooggaga Tigray, Jenaraal Tsadkan Gebretensae, kaas oo sidoo kale ka mid ahaa soddon sannaood ka hor Jabhadiii TPLF ee 1991, xukunka ka tuuray Mengistu Haile Mariam.

Waa kuma Jenaraal Tsadkan Gebretensae?

Alt: Araweelo News Network

Xigashada Sawirka, Qoyska Tsadkan. Sawirka Jen Tsadkan (dhexda) waa muddadii u dhexaysay 1976 ilaa 1991 ee TPLF, dagaalka kula jirtay dowladdii Ethiopia ee Mengistu Haile Mariam.

Waxaa markii labaad noolashiisa kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dowladda Ethiopia ka wada buuraha Tigray janan ka tirsanaa millateriga dalkaas, sida uu qoray falanqeeye Alex de Waal.

Taliyaha xooggaga Tigray, Jenaraal Tsadkan Gebretensae, ayuu qoraaga ku tilmaamay mid kamid ah ragga jiilkiisa Afrikaanka ah ugu wanaagsan dhanka istaraatijiyadda milateriga.

68 jirkan ayaa sanadkii 1976 ka tegay jaamacadda Addis Ababa oo uu ka baranayay maadada Biology, waxaana uu ku biiray igray People’s Liberation Front (TPLF). Xilligaas jabhadda ayaa dagaal kula jirtay dowladdii Mengistu Haile Mariam.

Qiimeyntiisa, xirfaddiisa abaabul iyo sida uu u so jiidan jiray kalsoonida dagaalyahannada ayaa ka dhigtay in sanado gudahood uu kamid noqdo ragga ugu magaca weyn taliyayaasha jabhadda.

 

May 1991, Jen Tsadkan oo hoggaaminaya xooggagii TPLF iyo Eritrean taabacsan ayaa gacanta ku dhigay caasimadda Addis Ababa, waxaana ay xilka ka tuureen Mengistu. Kaddib markii Ciidamadiisa  laga adkaaday 30 sano ka hor.

Waxa uu ku guulaystay in xooggagii TPLF ee qabsaday caasimadda ay sugaan ammaanka, isla markaana ay ilaaliyaan kala dambeynta iyo hawlaha dowladda. Saddex maalmood kadib markii ay caasimadda galeen 28-kii May 1991, waxaa si habsami leh mushaaraadkoodii loo siiyay shaqaalaha dowladda.

Duulaankii Gedo

Todobadkii sano ee xigtay, Jen Tsadkan, ayaa hormuud u ahaa dib u dhiska ciidamada Itoobiya. Waxaa xilligaas loo dalacsiiyay darajada Jeneraal.

Waxa uu dib ugu laabtay waxbarashadiisii, isagoo shahaadada MBA ka qaatay jaamacadda Open University ee UK.

Xilliyadaas waxa ay xaalad amni darro xooggan ah ka jirtay dalal ku yaal Geeska Afrika. Jananka ayaa sanadkii 1996 milateriga Itoobiya u diray gobolka Gedo ee Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Al-Itixaad ee saldhigyada ku lahaa gobolkaas.

Waxa kale oo uu si qarsoodi ah ciidamadiisa u geeyay gudaha Sudan si ay u taageeraan jabhaddihii ku kacsanaa Cumar Xasan Al-Bashir.

Xilka ayaa laga qaaday

Jen Tsadkan ayaa muddo dheer aaminsanaa in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki, uu halis muuqata ku yahay Ethiopia, arrintaas oo ay ku diideen qaar badan oo kamid ah hogaanka TPLF.

Alt: Araweelo News Network

Taliyaha Ciidanka Qaranka Itoobiya General Tsadkan Gebretensae, Image File Araweelo News Network, xilligana hoggaaminaya guusha TDF iyo TPLF.

Jananka ayaa ahaa ninka qorsheynta u qaabilsan millateriga Ethiopia markii uu qarxay dagaalkii uu dalkiisa la galay Eritrea 1998. Waxa uu ahaa dagaal ba’an oo ay ku dhinteen ku dhawaad 80,000 oo qof oo labada dhinac ah.

Jen Tsadkan ayaa doonayay in ciidamada Ethiopia ay galaan caasimadda Asmara, balse waxaa qorshahaas ku gacan-sayray Ra’iisal wasaarihii xilligaas, Meles Zenawei.

Dagaalka kaddib, waxa ay kala qeybsanaan xooggan soo dhex-gashay hogaanka TPLF. Meles ayaa xilka ka qaaday Jen Tsadkan oo markaa ahaa taliyaha ciidamada Ethiopia.

Intii muddo ah, waxa uu jananka la qabsan la’aa noolashada shacabnimada. Muddo kadib waxa uu shaqo ka helay hay’adda UK u qaabilsan horumarinta caalamka. Sidoo kale waxa uu noqday ganacsade, isagoo warshad khamri ka sameystay magaalada uu ka soo jeedo ee Raya, galbeedka Tigray.

Soo dhoweyntii Abiy

Qeyb kamid ah saaxibbadiisa TPLF ayaa ku dhaliilay inuu soo dhaweeyay magacaabista Abiy Axmed oo 2018 noqday ra’iisal wasaaraha Ethiopi. Waxa uu xilligaa sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Abiy.

Sanadkii 2019 waxa uu qeyb ka noqday koox ku dedaalaysay inay dhexdhexaadiso Abiy iyo TPLF, balse waxa uu isaga baxay sanad ka hor, isagoo sheegay in ra’iisal wasaaraha aannay ka go’neyn inuu si nabad ah ku xalliyo khilaafka.

Markii uu billowday cadaadiska ka dhanka ah mas’uuliyiinta Tigray, jananka ayaa waxa uu u wareegay magaalada Mekelle.

Bishii November 2020, waxaa billowday dagaalka Tigray. Jen Tsadkan oo u muuqda inuu dhinac iska dhigay khilaafka kala dhexeeya TPLF ayaa ku biiray jabhadda iska caabinta.

Dhalinyaro badan oo ka caraysan tacaddiyada ka dhacaya gobolkooda ayaa ku biiray jabhadda. Waxaa sidoo kale hubka qaatay rag da’ ah oo horay u diidanaa nidaamka TPLF.

Dowladda Ethiopia oo jananka iyo saraakiil kale ku eedaysay khiyaano qaran ayaa amartay in la soo qabto.

Guulaha milateri

Jabhad iska caabin oo la magac baxday Tigray Defence Forces (TDF), ayna ka mid yihiin dagaalyahannada TPLF iyo kuwo kale ayaa dagaalka kula jirta ciidamada Ethiopia.

Jen Tsadkan ayaa kamid ah taliska dhexe ee jabhadda, waxaana uu dowr muuqda ku leeyahay hawlgallada millateri.

Bishii January waxa uu jananku sheegay in “jabhadda ay xaaladdu ku adag tahay.” Waxaa lagu baacsanayay buurleyda Tigray, dagaalyahannada jabhaddana waxa ay wateen hub fudud.

Balse si layaab leh ayay ugu soo rogaal celiyeen ciidamada Ethiopia iyo Eritrea ee is bahaysanaya. Jananka ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada dagaalyahannada uga dhintay colaadda.

Muddo afar bilood ah, dagaalyahannada jabhadda ayaa isku garab waday tabar iyo dagaallo toos. Jen Tsadkan iyo taliyayaasha kale ayaa go’aamiyay in xooggagooda ay si wanaagsan isaga caabin karaan cadowgooda.

17-kii June, xooggada TDF ayaa qaaday duulaan dhinacyo badan leh, waxaana ay shaaciyeen inay cagta mariyeen qeybta sideedaad ee ciidamada millateriga Ethiopia, sheegashadaas oo ay beenisay xukuumadda Addis Ababa.

Alex de Waal waa agaasimaha fulinta ee hay’adda World Peace Foundation ee Fletcher School of Law and Diplomacy, Jaamacadda Tufts ee Maraykanka.