Araweelo News Network

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa (ANN)- Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xukunno xadhig dheer ah ku riday eedaysanayaal loo haystay inay ku lug lahaayeen qaran ka dhacay magaalada xarunta u ah dalka Jabuuti bishii May ee sannadkii 2014.
Maxkamadda Racfaanka Gobolka oo dib u dhegaysatay dacwadda dad hore kiiskan ay ugu xukuntay Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo iyagu racfaan ka qaatay, ayaa xukunno xadhig ah ku riday xubno lagu eedeeyey inay gacan ka gaysteen qaraxaasi ka dhacay Jabuuti oo ay ku dhinteen dhawr qof oo ay ku jireen nin iyo gabadh iyagu fuliyey weerarkaasi.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin xukunkan maxkamadda, balse sida ilo-wareedyo xogogaal ahi u sheegeen Jamhuuriya waxa maxkamaddu xukun xadhig ah oo lix sanno ah ku riday gabadh magaceeda lagu sheegay Kowsar Maxamuud Cismaan oo ku eedaysan inay ka mid ahayd kooxda weerarka fulisay.
Sidoo kale warku waxa uu sheegay in Maxkamadda Gobolku xukun lix sanno oo xadhig ah ay ku riday nin la yidhaa Cabdisalaan Maxamed Warsame oo ciidammada Boolisku ka soo qabteen Gobolka Sool, kaasi oo la sheegay in lagu helay dambi ah inuu shandad ay ku jireen suumamkii loo adeegsaday qaraxaasi uu ka soo qaaday magaalada Laascaanood, kadibna uu u dhiibay labadii qof ee fulliyey weerarka.
Waxa kaloo jira xubno rag maqan ama aan gacanta lagu hayn oo maxkamaddu ku xukuntay xabsiyo dhaadheer oo gaadhaya ilaa shan iyo toban sanno.
Geesta kale, waxa jira dad kale oo ku eedaysnaa inay ka dambeeyaan qaraxaasi oo dawladda Somaliland hore ugu wareejisay dawladda Jabuuti, kuwaas oo aan war sugan laga hayn tallaabada laga qaaday.