Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Qorshe mooshin la doonayay in xilka lagaga xayuubiyo guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusman Jawaari, ayaa hakad galay,kadib markii tirada sharciyan loogu gudbin karo golaha uu Waafaqi waayay.

Sida ku cad qoraalka mooshinka ay xildhibaanada u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka, waxay guddoomiye Jawaari  xildhibaanada mooshinka waday ku eedeeyeen arrimo ay ka mid yihiin in uu hareer maray dastuurka dalka, taas oo ay sheegeen in ay waxyeeli karto qarannimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay ku eedeeyeen xadgudub ka dhan ah xeer hoosaadka baarlamaanka iyo in uu ku fashilmay dhameystirka qaab dhismeedka guddiyada baarlamaanka, gaar ahaanna guddida adeegga baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari wali kama  hadlin eedeymaha uu xambaarsan yahay mooshinkan oo la sheegay in xildhibaanadu ay u gudbiyeen ku xigeenka koobaad ee guddoonka baarlamaanka.
Kalfadhigii saddexaad ee baarlamaanka markii uu furmayay ayaa guddoomiye Jawaari waxa uu soo taxay hindise-sharciyeedyo badan oo ay ahayd in golaha fulinta uu u soo gudbiyo baarlamaanka, kuwaas oo uu sheegay in aanan wali la soo gudbin, waxa uuna ka codsaday golaha fulinta in arrintaasi ay soo dedejiyaan.

Mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ka dhan ah madaxda qaranka oo rasmiyan, balse mooshinka ayaa meesha ka baxay markii tirada xildhibaanada saxeexay oo tiradooda lagu sheegay boqol Xildhibaan qaarkood ka noqdeen, taas oo shaciyan meesha ka saartay in golaha loo gudbiyo.