Araweelo News Network

Qatari Foreign Minister Qatar’s Foreign Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani speaks to an AFP reporter in Doha, on June 8, 2017. (Photo by AFP)

Riyadh(ANN)-Dalka Sacuudi Carabiya iyo saddex dal oo kale oo Carab ah ayaa 48 saac ku kordhiyay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee ay Qadar u qabteen si ay u aqbasho shuruudaha ay u gudbiyeen.
Wakhtigii markii hore loo qabtay Qadar si ay u aqbasho shuruudahan ayaa ku ekaa Axaddii.
Shuruudahaas 13ka ah waxaa ka mid ah in Qadar ay xidho warbaahinta Al Jazeera iyo saldhigga milatari ee Turkiga.
Qadar waxay sheegtay in ay jawaabaheeda rasmiga ah oo waraaq ku qoran u diri doonto dalka Kuwayd Isniinta.
Qadar ayaa diiday eedaymaha uga yimid dalalka ay dariska yihiin ee sheegaya in ay taageerto argagixisada.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar ayaa Isniintan u ka dagay Kuwayd si uu u boqorka Kuwayd oo ah dhexdhexaadiyaha ugu wayn ee xiisadda Khaliijka ugu wareejiyo jawaabta boqorka Qadar.