Guddoomiye Muuse Biixi

Guddoomiye Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay Musharaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE, kadib shirkii golaha dhexe ee xisbiga 10 – 11 Nov 2015, ayaa soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu hiigsanyo in wax laga qabto shanta sanno ee soo socda haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxweynaha ee 2017.

Guddoomiye Muuse Biixi, wuxuu arrimahaa ku qaadaa dhigay khudbad dhinacyo baddan taabanaysa ka jeediyey xidhitaanka shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE shalay, waxa uu yidhi; “Waxa aad i saarteen masuuliyad iyo xil aad u weyn, oo u baahan aragti dheer iyo dedaal xoogan. Waxa aan u arkaa xilkan ammaano iyo masuuliyad culus oo mudaysan. Waan guddoomay masuuliyaddaas iyo ammaanadaas weyn ee aad ii doorateen. Waxa aan ballanqaadayaa in aan ku maamulo ammaanadaas xilkasnimo, masuuliyad iyo hufnaan, aniga oo dhawraya shuruucda iyo qawaanniinta dalka iyo Xisbiga KULMIYE-ba u yaal.”
 “Iyadoo hal-ku-dhiggeennu yahay, amni, horumar, caddaalad iyo sharciga oo loo sinnaado, Xisbiga KULMIYE wuxuu dib-u-eegid iyo qiimayn ku samayn doonaa barnaamijkii siyaasadeed ee xisbigu dalka ku hoggaamin jiray shantii sannadood ee tagay. Golaha dhexe ee xisbiga ayaa diyaarin doona hawshaasi kal fadhigiisa kan ku xiga,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
  Murrashaxa KULMIYE, ayaa sidoo kale ka hadlay hiigsiga xisbiga ee shanta sanno ee soo socda, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin sidii loo sugi lahaa, loonna ilaalin lahaa amniga qaranka Somaliland iyo muwaaddiniinta dalka.
“Dawladdu waxa ay ilaalin doontaa xuquuqda iyo nabad ku noolaanshaha shakhsiga ah, kadib marka ay ka nabadgeliso cadaw shisheeye. Waa in muwaaddinku dareemo in uu leeyahay dawlad ilaalinaysa amnigiisa iyo nabadgalyadiisa, cirdigiisa iyo sharaftiisana dhawraysa, sharcigana loo siman yahay madax iyo minjo.
– Xisbiga KULMIYE, waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in muwaadinka Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay helo amni iyo sugnaan nololeed (Waxa afka qalaad lagu yidhaa – Social Security). Muwaaddinka Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay, kadib marka uu ka nabadgalo cadaw shisheeye, waa in aanu u dhiman gaajo iyo faqri. Waa in aanu ka werwerin nolol-maalmeedkiisa iyo quutal-daruuriga qoyskiisa. Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu ma aqbali karo in bulshada reer Somaliland qaarna noqdaan aqniyo iyo tujaar is nacday, shanta maal adduunba u dhaleen, qaarna aanay wada helin saddexda wakhti,” ayuu khudbadiisa ku yidhi Muuse Biixi.
 KOBCINTA DHAQAALAHA
Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa sidoo kale ballanqaaday inay ka shaqayn doonaan sidii loo sii wadi lahaa kobcinta miisaaniyadda qaranka, muddada shanta ah ahna xooga saari doonaan fidinta cashuuraha iyo in la abuuro ilo cusub oo dakhli, isla markaana si fiican loo maamuli doono deeqaha caalamiga ah ee Somaliland hesho, lagana shaqayn doono dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo samaynta suuq xor ah iyo maalgashi caalami ah.
Horumarinta Arrimaha Bulshada
Sida guddoomiye Muuse Biixi ku sheegay khudbadiisa, waxa xisbiga KULMIYE ka shaqayn doonaan horumarinta adeegyada bulshada, sida waxbarashada oo dib-u-eegis lagu samayn doono man-hajka tacliinta ee u dejisan Somaliland si loo soo saaro qof mutacalim ah oo xirfad ahaan, aqoon ahaan, karti iyo akhlaaq ahaanba dhisan, isagoo xusay inay arrintaas tusaale uga dhigan doonaan dalka Koonfurta Kuuriya oo qaabkan isticmaala.
Waxa kaloo uu xusay in KULMIYE ku dedaali doono sidii dalka loogu diyaarin lahaa adeeg caafimaad oo gaadha muwaaddiniinta Somaliland miyi iyo magaalaba, halka sidoo kale ay xisbi ahaan ka shaqayn doonaan shanta sanno ee soo socda sidii bulshada looga haqab-tiri lahaa dhinaca biyaha nadiifta ah, kana shaqayn doonaan in muwaaddin kastaaba gurigiisa ku helo biyo ku filan.
 “Jamhuuriyadda Somaliland wax ay ka mid tahay waddamada hela laydhka (Electricity) ugu qaalisan adduunka. Nolosha iyo xaddaarada cusub ee aadamuhu maanta gaadhay waxa hormood u ah laydh,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi, isagoo tilmaamay in xisbigiisu ka shaqayn doono sidii loo hirgelin lahaa xeerka tamarta qaranka (National Electricity Law), kaasoo uu xusay inuu hadda horyaal baarlamaanka Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi oo ah murrashaxa madaxweynenino ee KULMIYE, ayaa caddeeyey inay xisbi ahaan ka shaqayn doonaan sidii loo horumarin lahaa dhallinyarada iyo haweenka, meeshana looga saari lahaa caqabaha hadda haysta, waxaannu ballanqaaday in mustaqbal cad loo jeexi doono da’yarta iyo haweenka, qaybna laga siin doono talada dalka.
  Dadka La’ hayb-sooco:
“Xisbiga KULMIYE ma aqbalayo kala sarayn mujtamac oo ka jirta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland dhexdeeda, mana aqoonsana in ay jirto kala tiro badnaan bulsho oo ka jirta mujtamaceena dhexdiisa. Wax ka qabashada iyo horumarinta duruufaha nololeed iyo waxbarasho ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan, gaar ahaan bulshada dulman ee xuquuqdooda kuwaayey hayb-sooc aan xaq ahayn, waa arrin mudnaan u leh xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa iman doonta,” ayuu yidhi Muuse Biixi, isagoo ballanqaaday inay la dagaalami doonaan qabyaalada, kana shaqayn doonaan xoojinta qarannimada iyo hannaanka dawladeed ee dalka.
 Garsoorka iyo Caddaaladda:
Waxa kaloo Muusee Biixi ku yidhi khudbadiisa; “Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa ay sii wadi doonaan illaalinta madaxbannaanida garsoorka, tayeynta Guddiga Caddaaladda, Xeer-ilaalinta, Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Maxkamadaha hoose si loo helo bah garsoor oo u madaxbannaan waajibaadkooda shaqo, sida ku xusan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida ku cad dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa waxa ka go’an sinnaanta muwaaddiinta Somaliland, ilaalinta xuquuqda muwaaddinka, xoriyadaha aasaasiga iyo waajibaadka muwaaddinka. Waxaan awood buuxda siin doonaa hay’adaha xuquuqul-insaanka, difaacayaasha xuquuqda Aadamaha iyo ururrada bulshada si ay u kor joogaan xaaladaha xuquuqda Aadamaha ee dalka.
Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxa ay sii wadaynaan dib-u-habaynta diiwaanka dembiga iyo maaraynta kiisaska, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda eedaysanaha. Waxa kaloo aanu sii wadi doonaa wanaajinta xaaladda xabsiyada iyo illaalinta xuquuqda maxbuuska iyadoo xooga la saarayo u helida xabsiyo u gaar ah dumarka iyo da’yarta.”
 Siyaasadda Arrimaha Dibedda:
Murrashaxa madaxweynaha ee KULMIYE, ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha xisbigiisa ee la xidhiidha siyaasadda khaarajiga Somaliland, isagoo tilmaamay inay ka shaqayn doonaan sidii loo dardargelin lahaa in dalka Somaliland noqdo qaran madaxbannaan, lana aqoonsado oo callankiisu ka dhex muuqdo fagaarayaasha caalamka.
“Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxa ay aloosi doonaan fagaareyaal iyo shirar waaweyn oo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland kaga talo-bixiso diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibedda (National Foreign Policy). Shirarkaas waxa la isugu keeni doonaa aqoonyahanka, wax-garadka iyo talo-qabeenka, si loo hufo Siyaasaddaas Qaran ee Arrimaha Dibedda Somaliland. Ujeeddada Shirweynahaasi iyo diyaarinta siyaasadaasi Arrimaha Dibeddu waa in talo-qaran laga yeesho dhammaan dariiqyada kala duwan ee lagu xaqiijin karo ictiraafka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo lama taabtaan.
Xisbiga KULMIYE, xukuumaddiisa iyo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland waxay ay gar-naqsi dhab ah la hortagi doonaan dhammaan dalalka adduunka, Midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay.
 Xidhiidhka Wadamada Jaarka iyo Beesha Caalamka
Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa sidoo kale ka hadlay inay aaminsan yihiin dalka Somaliland xidhiidh caalami ah la yeesho bulshada caalamka, kaasoo ku salaysan iskaashi, is-ixtiraam, wada-jir, dulqaad iyo khilaaf la’aan (Zero Conflict Policy), isla markaana ay xisbi ahaan aaminsan yihiin ilaalinta nabadgelyada Gobolka Geeska Afrika iyo adduunkaba 
“Waxa adduunwaynuhu la socdaa colaadaha ka aloosan Bariga Dhexe, colaadaha dalka Yemen oo saamayn ku yeelan karta marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden) iyo qaxootiga tirada badan ee ka soo firxanaya dalkooda, colaadaha loo caal-waayey ee ka jira dalka Soomaaliya. Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu jirtaa nabadgalyada adduunka kaalin wax-ku-ool ah oo mudan in loo tixgaliyo, laguna qadariyo.
Xisbiga KULMIYE, waxa uu aaminsan yahay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal ama qaran oo kala madaxbannaan, balse walaalo ah, oo dadka iskugu xiga. Wax intaas ka hooseeyana aan ku heshiin karin,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Waxaannu intaas ku daray; “Ninka ku riyoonaya Soomaali weyn, waxaanu u sheegaynaa in riyadaasi dhimatay, dibna u soo noolaanayn. Soomaali weyn waxa ay ahayd waa midnimada shanta Soomaaliyeed ee Geeska Afrika oo hadhsada calan keliya. Ma ay ahayn laba ka mid ah shanta Soomaaliyeed. Haddii la isku keenayo shanta Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika, waxaanu u aragnaa nin duulaan ku ah nabadda, wada-noolaanshaha iyo jaar wanaaga dalalka Geeska Afrika. Waxaannu u aragnaa nin iclaamiyey dagaal hor leh oo laga huriyo jasiirad la moodka Geeska Afrika ee Soomaalidu dagto iyo xuduudaha dhuleed iyo madaxbannaanida waddamada Geeska Afrika. Jamhuuriyadda Somaliland jiritaankeedu waxa ay astaan u tahay nabad ku-wada noolaanshada dalalka Geeska iyo Qaaradda Afrika.
Waa sababta Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu wada hadalka ula fureen Jamhuuriyadda Soomaaliya ee aynu jaarka nahay. Waxaannu aaminsan nahay wadahadal leh nuxur buuxa iyo aragti dheer, salna ay u tahay nabad ku-wada noolaanshaha bulshada Geeska Afrika in ay dan u tahay jaar-wanaaga Jamhuuriyadda Somaliland oo xor ah iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay aaminsan yihiin wadahadalka u socdo si xawli ah, kana soo baxaan go’aamo dhaxalgal ah oo ay u aayaan jiilka soo koroyada ee labada dal, oo ay ugu horayso madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida labada dal isku kaashanayaan. Mar kale ayaan ku leeyahay cod dheer, wax intaas ka yar oo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland aqbali karto haba yaraatee ma jirto. Bulshada Soomaaliyeed ayaanu u diraynaa farriintaas, bulsahada qaaradaha adduunka ayaanu farriintaas u diraynaa. Waxaannu sidoo kale ka codsanaynaa bulshada adduunka in ay goob-joob ka noqdaan habsami u socodka wadahadalka labada dal.”
Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa sidoo kale caddeeyey inay rumaysan yihiin in axsaabta qaranku (KULMIYE, WADDANI iyo UCID) yihiin hanti qaran oo mudan in la kobciyo, lana xoojiyo, haddii ay noqoto dhinacyada dhismaha, shuruucdooda, xisbinimadooda iyo kobcinta xirfadlayaasha ka hawlagalaba, waxa kaloo uu sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii loo xoojin lahaa golayaasha xeer-dejinta (guurtida iyo wakiillada) sidii ay u soo saari lahaan shuruuc iyo xeerar anfaca qaranka Somaliland, una qabyo-tiri lahaayeen xeerarka iyo shuruucda qabyada, loona samayn lahaa xeerka doorashada Golaha Guurtida.
  Gobolada Barri ee Jamhuuriyadda Somaliland
“Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay sugnaanta xuduudaha dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo wada-jirka ummadeed ee shacbiga JSL, taasina suurtagali mayso inta xuduudaha barri ee Jamhuuriyadda Somaliland ayna sugnay wali. Shacbiga iyo muwaadiniinta ku nool gobolada barri, gaar ahaan Sool iyo Sanaag, waxa ay xaq ugu leeyihiin qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland in uu kafaalo qaado amnigooda, horumarintooda dhaqan dhaqaale ee dhulkaasi.
Ka Musharax Xisbi ahaan, waxa aan balan qaadayaa in aan u hagar baxo horumarka iyo nabadgalyada gobolada barri, sidoo kale in adeega bulshada ee ay dawladdu masuulka ka tahay wada gaadho dhammaan xuduudaha barri ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa aan halkan codsi balaadhan uga dirayaa Garaadada, Wax-garadka, Aqoonyahanka iyo Talo-qabeenka Gobolada Sool iyo Sanaag Barri in ay igala shaqeeyaan nabadgalyada iyo horumarka gobolada Barri. Waxa aan ugu baaqayaa in sidii shacabka Jamhuuriyadda Somaliland caadada u ahayd nabad lagu dhammeeyo dhammaan tabashooyinka shacabka gobolada barri.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380