Share this:

" /> Smiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley face
Published On: Wed, Oct 9th, 2019

Munaasibad Boodhka Lagaga Tumay Dugsiga Gacmo-dheere Ee Hargeysa

Share This
Tags

Hargeysa(ANN)-Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ayaa ka qaybgalay munaasibad boodhka lagaga tumayo Dugsiga Hoose Dhexe ee Gamca-dheere ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadaa oo ahayd kedis-aqooneed loogu qabtay Ardayda Dugsiga ayaa lagu qabtay xarunta Dugsigaas.

Xafladdan oo ka sekow Kedis loo qabtay Ardayda Fasalka 8aad ee dugsigaasi, lagu daah-furay qorshe uu ku dardar gelinayo tayada iyo baaxada waxbarashada  maamulka cusub ee dugsigani, ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka, Maamulka iyo macalimiinta, waalidiinta iyo Arday wax ka barta Dugsigaasi. Maamulaha Dugsiga Gacmo-dheere Fadxi Axmed Cabdilaahi oo ugu horayn munaasibadan hadal ka jeediyey, ayaa sharaxaad ka bixiyey taariikhda dugsigan, heerka waxbarashadiisa iyo waxyaabaha uu qabtay intii uu Maamulaha ka ahaa, waxaanu sheegay in bilowgiiba markii uu shaqada la wareegay uu xidhiidh la sameeyey guddiyada ka dhisan Xaafadda uu ku yaal dugsigu, Waalidiinta Ardayda wax ka barata dhalay iyo mudakarka kale ee deegaanka ku xeeran, si uu u abuurmo jawi isku-xidhnaanneed oo fure u noqda in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dugsiga, ardaydana loogu dhiiri-gelin lahaa waxbarashada aasaasiga ah.

Maamulaha Dugsiga Gacmo-dheere Fadxi Axmed Cabdullaahi

“Markii aan dugsiga imi waxaan isku xidhnay Maamulkii, Waalidkii ardayda iyo macalimiinta, si ay meesha uga baxdo in ardaygu uu sagsaago waxbarashadiisa, waxaanan mar walba isku xidhanahay oo aanu warbixinta kala qaadanaa Waalidka”, ayuu yidhi Maamule Fadxi oo intaasi ku daray in dugsiga lagu kordhiyey qayb cusub oo loogu talogalay barbaarinta Carruurta, taasoo aan hore looga sameynin dugsiyada Dawladdu maamusho.

Sh.  Cabdiraxmaan Sheikh Faarax
Sh. Cabdiraxmaan Sheikh Faarax

Sh. Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo kamida culimada waaweyn ee dalka iyo waalidiinta ubadkoodu waxbarashada kaga jiraan dugsigan oo isagu xafladaasi hadal ka jeediyey, ayaa tilmamay in isbedelka lagu sameeyey maamulka dugsigani horseeday horumarka iyo dardarta ka muuqata, waxaanu sheikhu balanqaaday in ay waalid ahaan iyo guddi xaafad ahaanba ay garab ku siin doonaan maamulka cusub sidii loo soo celin lahaa mustawihii uu dugsigani kaga jiray waxbarashada hoose dhexe ee Caasimada Hargeysa. Muuna Macalin oo ah Guddoomiyaha Guddida waalidiinta ee dugsigan, ayaa dhankeeda balanqaaday in ay si hufan ula shaqaynayaan Maamulka iyo macalimiinta dugsiga, diyaarna u yihiin talo iyo taageero wixii kaga aaddan horumarinta dugsiga iyo dhismaha mustaqbalka ubadka wax ka barta.

 Wariye Cabdiraxmaan Cismaan Xasan Almis
Wariye Cabdiraxmaan Cismaan Xasan Almis

Wariye Cabdiraxmaan Cismaan Xasan Almis oo isna waalidiinta ka mid ahaa walaalidiinta yaraantoodii waxbarashadii aasaasiga ahayd ku qaatay dugsigan, isla markaana ubadkoodu iminka wax ka bartaan, ayaa sheegay, “Dugsigan waakii aanu daasadaha ku fadhiisan jirnay ee aanu wax ku baranay, maantana waxaan kamid ahay waalidka Ubadkoodu dhigtaan, markaa aniga xusuus gaar ah ayuu igu leeyahay”. Cabdi Almis ayaa intaasi ku daray in ay Xukuumadda talada haysaa juhdi badan gelinayso sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dawliga ah, isagoo dhinaca kalena xusay qaar kamida macalimiintii lagu bilaabay dugsigan markii dalka lagu soo noqday.

Suxufi Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)
Suxufi Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Suxufi Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale) oo isna xafladan ka hadlay ayaa ugu baaqay Dadkii ka aflaxay dugsigan  intii uu jiray in aanay ilaawin ee ay dib u soo xusuustaan, “Dadkii dugsigan ka aflaxay waxa dhici karta in ay qaarkood siyaasiyiin yihiin, inay Ganacsato yihiin , in ay madaxda qaranka ku jiraan, markaa waxa loo baahan yahay in ay is abaabulaan oo ay dareen gaar ah ka yeeshaan horumarka dugsigan,” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyey, “Dugsigani wuxuu ku yaallaa xaafaddaha ugu bulshada badan Hargeysa, suurto gal maaha in ay arday tiro yari fasalada ka soo xaadirto, waalidka waxa looga baahan yahay in ay ubadka keenaan oo dugsiga”. Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka Cabdiqaadir Cabdilaahi Jaamac (Jeex) oo isna halkaasi hadal ka jeediyey , ayaa ku hambalyeeyey Maamulka dugsigan waxqabadka uu muujiyey muddadii uu joogay, isagoo kula dardaarmay in uu halkaasi ka sii wado dedaalka uu sameeyey.

Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka  Cabdiqaadir Cabdilaahi Jaamac (Jeex)
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka Cabduqaadir Cabdullaahi Jaamac (Jeex)

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in tartan-aqooneedyadu ay kamid yihiin waxyaabihii caadada u ahaa dugsigan, kan maanta loo qabtay ardayduna bilow u yahay sanad dugsiyeedka 2019-2020-ka, isagoo tilmaamay in dayac-tir lagu sameeyey dhismaha iyo agabka waxbarashada ee dugsiga. “Dugsigan wasaaradda waxbarashadu iyadoo la kaashanaysa hay’addaha la shaqeeya waxa lagu sameeyey dayactir badan, waxa loo baahan yahay ardayeeyey in aad ilaalisaan oo aad nadaafadiisa u ilaalisaan sida guryihiina oo kale,” ayuu kula dardaarmay ardayda, macalimiinta iyo waalidka dugsigan ehelka u ah. Xubno kamida ardayda waxbarashada kaga jira dugsigan oo xafladan hadallo ka jeediyey, ayaa halkaasi ku soo bandhigay hadallo ay ku muujinayaan heerka tacliintooda iyo mahad-naq ay u jeediyeen maamulka iyo macalimiintooda oo ay shahado-sharafyo iyo hadyado ku guddoonsiiyeen xafladaasi.

Gunnaanadkii munaasibadan, ayaa waxa kedis-aqooneed halkaasi loogu qabtay laba kooxood oo kamida Wiilasha iyo Gabdhaha fasalada 8aad dhigta, waxaana tartankaasi ku guulaystay Kooxda ka socotay Hablaha oo 12 dhicood kaga guulaystay Wiilasha oo dhankooda 10 dhibcood helay. Geesta kale, Ardayda ayaa xaflaaasi ku soo bandhigay ruwaayad ka turjumaysa qiimaha waxbarashada iyo doorka uu waalidku ku leeyahay dhismaha ardayga ku wanaagsan waxbarashada.

Ardayda Dugsiga Gamca-dheere ee Hargeysa
Ardayda Dugsiga Gamca-dheere ee Hargeysa
 Ardayda Hablaha Dugsiga Gamca-dheere ee Hargeysa
Ardayda Hablaha Dugsiga Gamca-dheere ee Hargeysa
 Ardayda Dugsiga Gamca-dheere ee Hargeysa
Ardayda Dugsiga Gamca-dheere ee Hargeysa

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp