Muqaaladii Ugu Quruxbadnaa Dabaaldega sanad guuradii 25 aad ee 18 May 2016 Iyo Wacdarihii Shirkadda Filimada Ee Real Video

Araweelo News Network
xuska18may13
Hargeysa(ANN) Shirkadda Filimada Ee Real Video Oo Si Toos Ah U Baahinaysay dabaaldega Xuska 25 guuradii loogu dabaaldegayay markii Somaliland dib ula soo noqotayay Xoriyadii luntay 1960, isla markaana 18 May 1991, lagaga dhawaaqay Magaalada Caasimada Labaad ee Somaliland ee Burco oo ah xarunta gobolka Togdheer, ayaa si weyn looga xusay guud ahaan dalka guddo iyo dibadba.
25-guurada 18 May, waxa muuqaaladii ugu qurux badnaa si toos ah dunida ugu gudbiyay Shirkadda Real Video oo kaashanaysa shebekadda Araweelo News Network, waxayna si toos ah uga daawanayeen bulshada Somaliland dibad iyo gudaba munaasibada sida tooska ah ay u gudbinaysay shirkada Real Video oo kaashanay shebekadda Araweelo News Network, iyadoo shirkadu adeegsanaysay qalab casriga oo ah Diyaaradaha Drones ka iyo Kamaradaha waaweyn, isla markaana adeegsanay internetka shirkadda Somtel ee xawaarihiisu sareeyo,
Kumanaan qurba jooga Somaliland ah oo ku dhaqan dacalada dunida iyo Dad badan oo akle oo ku sugan gudaha dalka magaalooyinka iyo meelaha Miyiga ee adeega internetku gaadhay, ayaa si toos ah uga daawanayay dhinaca Internetka ee shebekada Araweelo News Network oo ugu sii gubinayay baraha bulshadu ku wada xidhiidho, waxayna dadkii sida tooska ah ugala socday xuska munaasibada muuqaaladii ay soo gudbinaysay shirkada Filimada ee Real Video noqdeen kuwo lagu tilmaami karo muuqaaladii ugu quruxda badnaa ee munaasibadan oo kale si toos ah looga gudbiyo, kuwaas oo soo jiitay indhaha raysal caamka bulshada, isla markaana warbaahinta Caalamiga ah qaarkeed qaateen sawirada iyo muuqaalada xaga sare laga qaaday ee Real Viedo.
Halkan ka Daawo qaar ka mid ahaa muuqaaladii ay duubtay real Video ee 25 guurada 18 May 2016 iyo wacdarihii ay muujisay.