Araweelo News Network

wefdigaiyoxukumadaHargeysa(ANN)Weftiga ka socday shirkadda DP World ee dalka Emarate-ka ayaa kadib indha indhayn iyo kulamo is xog waraysi ahi oo ay la yeesheen mareeyaha iyo masuuliyiinta Dekedda Berbera uu ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada shirkaas oo ay ku weheliyeen Wasiirada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.
Kadib Kulanka Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Shirkadda DP World Mudane Sultaan, waxa si wadajir ah shir jaraa’d ugu qabtay Madaxtooyada Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Shirkadda DP World Mudane Sultaan.
Dr. Sacad Cali Shire wuxu aad ugu dheeraaday ahmiyadda, waxtarka iyo faaiidada uu mashruucani u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, inuu u yahay Somaliland fursad dhaqaale iyo mid siyaasadeedba, inuu dhiirrigelin iyo horseed u noqonayo maalgashadayaal badan oo caalami ah taasina ay waxbadan ka tarayso shaqo abuurka dhalinyarada iyo dhaqaalaha Somalialnd guud ahaan. Wasiirku waxa kale oo uu uga waramay shacabka in sida lagu heshiiyay ay shirkadda maamulaysa iska kaashanayaan labada dhinac ee dawladda Somaliland iyo dawladda UAE oo ay wakiil ka tahay shirkadda DP World. Waxa kale oo Wasiirku shirkiisa jaraa’id ugu u iftiimiyay in shaqaalaha hadda jooga dekedda Berbera ay sidooda u shaqaynayaan oo aanu haba yaraatee mashruuca casriyaynta dekeddu shaqaale cusub oo lagu kordhiyo mooyaane sababaynin wax shaqo dhimis ah.
Wasiirku wuxu ka waramay qaybaha uu ka koobanyahay mashruucani oo aan dayactirka, qalabaynta iyo ballaadhinta dekedda iyo dhismaha Free Zone-ka oo kaliya ku koobnayn balse ay qayb ka yihiin dhismaha jidka Berbera-Wajaale iyo mashaariic ay ka midyihiin horumarinta beeraha iyo tamarta oo ku lammaan.
Sidoo kale, Wasiir Sacad Cali Shire wuxu sheegay in xukuumadda Somailand ka codsatay Amiirka Dubai inuu fududeeyo ganacsatada Somaliland fiisaha dalku galka Emarate-ka taasoo ka aqbalay amiirku.
Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire wuxu ku dhiirrigeliyay bulshada Somaliland inay si weyn usoo dhaweeyaan mashruucan dhaxalgalka ah iyo shirkadda DP World ee aan iska kaashanayno.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire oo arrimahaa ka hadlaya, wuxuu yidhi,
“Waxa saaka innoo yimi wefti ballaadhan oo heer sare ah oo ka socda shirkadda Dubai World Ports. Weftigaasi waxay ku soo horreeyay magaalada Berbera, waxay la kulmeen madaxda dekedda, waxa loo sharraxay qorshaha iyo himilooyinka aynu ka leenahay dekedda, si wanaagsan baa loo soo dhaweeyay, waanan ku faraxsanahay,” Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL.
“Waxan jecelahay markale inaan ku soo dhaweeyo weftiga halkan anoo fursadan waxan doonayaa inaan halkan uga mahadceliyo amiirka Dubai iyo madaxda dubai iyo madaxda Dubai World Port sidii wanaagsan quruxda badnayn ee ay noo soo dhaweeyeen Dubai ee maalintii hore aannu siyaaranay. Waxan doonayaa inaan halkan uga diro salaam diiran iyo mahadnaqAmiirka Dubai. Somaliland iyo wadanka Emarateku waxay leeyihiin cilaaqaad aad iyo aad u fog oo taariikhi ah, ganacsibaa innaga dhaxayn jiray muddo badan, dad badan oo reer Somalilandna ayaa deggan oo ka shaqaysta, oo ka ganacsada oo qaar ay leeyihiin dhalashada Emarate-ka.”
“Markaa dad isku cusub ma nihin dad muddo badan isku xidhnaa baynu nahay. Waxaynu aad iyo aad usoo dhawaynaynaa maalgashiga dekedda Berbera dhismaha iyo horumarinta dekedda berbera, mashruucaasi kuma eka dekedda Berbera, tayaynteedaiyo qalabaynteeda iyo ballaadhinteeda oo kaliya, waxa la socda qaybta free zone ama qaybta ganacsiga xorta ah sida Jabal Cali oo kale kaasoo mashruuca ka mid ah. Waxa jira iyaguna mashaariic kale oo farabadan oo iyaguna ku leexansan labada mashruuc oo uu ka midyahay mashruucii wadada xagga beeraha, xagga shaqada, xagga tamarta amuuro badan baynu iska kaashan doonnaa oo labadeenna dhinacba faaiido u leh. Fiisayaasha laftooda waannu kala hadallay waxa jira dad ganacsato ah oo ay dhibaato immika ay ka haysato sidii si sharci ah ay u tagi lahaaayeen ama ay u joogi lahaayeen arrinkaana way naga aqbaleen in laga hawlgalo oo loo qadimo codsi amiirka Dubai sidii uu ugu fududayn lahaa ganacsatadeenna arrinkaas”.
“Xidhiidhka innaga dhexeeya Dubai maaha oo kaliya dekedda iyo freezone ka iyo jidhka, intaa runtii wuu ka baaldhanyahay, fursadani waxay dhiirrigelinaysaa dad farabadan oo doonaya inay wadanka maalgashadaan. Marka wadanka la maalgashadana shaqaa ka abuurmaysa sidii aan u maarayn lahayn dhalinyarada faraha badan ee manta bilaa camalka ah maanta wadankeenna waa ta koowaad ee u mudan dawladda arrinkaasna runtii maalgashigaa faraha badanli waxbuu innagala qaban doona Insha Allah.”
“Mashruucu sidaan sheegayba waxa weeye marka ugu horraysa qaybtiisa hore waa laba qaybood qaybi waa dekedda, dekedda waa la dayactirayaa, waa la qalabaynayaa waana la ballaadhinayaa isla markiiba. Maaha wax uun baa la maaulayaa, taa innagaa ku filan, dekedda waa la ballaadhinaya 400 meters baa lagu daryaa marka ahore, marka dambena 400 meters baa lagu darayaa. Shaqaalaha ka shaqeeya dekedda, sidooda ayay uga shaqaynayaan, arrinkaa dhawr goor ayaannu waydiinay. Waxay yidhaaheen markii aannu maalgashannay dekedda Djibouti shaqaale u kordhay mooyaane shaqaale ka naaqusay ma jirin”.
“Shirkadda maamuli doontaa dekedda waxa iska kaashanaya dawladda Somaliland iyo dawladda Dubai oo ay wakiil ka tahay shirkadda Dubai Word Ports. Waxan runtii aan doonaya inaan dadka reer Somaliland aan ka codsado kuna dhiirrigeliyo inay soo dhaweeyaan mashruucan waayo mashruucani runtii albaab weyn buu innoo furayaa, albaab dhaqaaluu innoo furayaa, xataa siyaasadda dhinaceeda albaab buu innoo furayaa, saaxiibaynu yeelanaynaa, saaxiibo dhaqaale, saaxiibo siyaasadeed. Markaa gidigeenba xilka arrinkaa innaga saarani waxa weeye inaynu soo dhawayno mashruuca iyo madaxdiisaba aad iyo aad baad u mahadsantihiin,” Dr. Sacad Cali Shire.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Shirkadda DP World Mudane Sultaan ayaa ka hadlay inuu u bogay Marsada Berbera, shaqada ka socota iyo dadka xirfadda leh ee ka shaqaynaya, isla markaana ay isaga iyo weftiigu aad ula dhaceen waxay soo arkeen iyo heshiiska waafiga ah ee labada dawladood kala saxeexdeen. Guddoomiyaha DP World wuxu sheegay in Dekedda Berbera ku taallo goob istaraatiiji ah, in xidhiidhka Ethiopia yahay mid aad muhiim ah iyo in dalabka dekedda Berbera aad u kordhi doono. Waxa uu tilmaamay inay jiraan dawlado badan oo ku taageeray shirkadda DP World horumarinta Dekedda Berbera oo noqota deked leh boqcad wax la dhigto free zone iyo adeeg casri ah. Mr. Sultaan wuxu uu tilmaamay in mashruuca Maalgelinta Dekedda Berbera uu bilaw u yahay mashaariic tiro badan oo dhexmari doonta labada dawladood ee UAE iyo Somaliland.