Hawlgalka Qaatay Ku Dhowaad 18 Saacadood Iyo Bayaanka Al-shabaab Ku Sheegtay Ujeedada Laga Lahaa

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ciidamada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa weli la tacaalaya hawlgalka ay ku doonayaan in lasoo afjaro weerar ay kooxda Al-shabaab kula wareegtay Hoteelka Villa Rosa oo ku yaala duleedka Madaxtooyadda Villa Somalia.

Koox hubaysan oo aan la ogayn tiradooda, ayaa guddaha u galay Huteelka oo aad loo ilaaliyo, iyagoo ku guulaystay inay dhaafaan goobo baddan oo ahaa kuwa ay joogaan ciidamada amaanku ee baadhitaanka lagu sameeyo, waxayna adeegsadeen qaraxyo gil-gilay magaalada, iyagoo ugu danbayntii gudaha Huteelka ka bilaabay rasaasta.

Huteelka ayaa ka mid ah Huteelada ay Madaxda dawladda Federaalka ee Soomaaliya hoyga ka dhiagto, waxaana sida ay wararku sheegeen xilliga la weeraray oo cawayskii ahayd  ku sugnaa masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Guddaha Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodisho),  iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu dhaawac soo gaadhay.

 

Masuuliyiinta dawladda Federaalka, ayaan war rasmi ah kasoo saarin khasaaraha ka dhashay weerarka iyo baaxadiisa, balse waxay jira warar sheegaya inuu jiro khasaare baddan.

Al Shabaab oo sheegatay weerarka, ayaa ku tilmaamay hawlgalkaa mid ciidankooda khaaska ah ay fuliyeen, kuwaas oo sida ay sheegeen ka gudbay dhammaan goobaha ka sokeeya ee baadhitaanka.

” ciidamada Mujaahidiinta ah ee fuliyay weerarada ayaa si xirfadaysan oo khibrad iyo xeelad ku dheehan tahay uga gudbay dhamaan jid-gooyooyinka faraha baddan ee uu cadawgu dhigay wadooyinka Muqdisho, waxay gaadheen goobihii yoolkoodu ahaa, waxayna madaxdii ridada oo khabaar-moog ah ku billaabeen rasaasta. Mujaahidiinta weerarka qaaday oo ka tirsan katiibada Istish-haadiyiinta ayaa dagaal kula wareegay xarumaha cadawga gaar ahaan halka loo yaqaano Villa Rosa, ayaa lagu yidhi, bayaan kasoo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay degelada inta baddan lagu baahiyo wararka Al-shabaab.

Mujaahidiinta ayaa sidoo kale u tallaabay dhanka madaxtooyada halkaas oo ay ku garaaceen madaafiic iyo rasaas culus” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Sidoo kale, waxay ku sheegeen Bayaankooda in weerarka oo saacado badan oo gaadhaya 18 saacadood qaatay, isla markaana uu sababay in uu khasaare soo gaadho wasiirro iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka islamarkaana dagaalyahannada weerarka qaaday ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah.

“Weerarada ayaa socda muddo ka badan 18 saacadood. Ciidamada Mujaahidiintuna waxay fashiliyeen isku dayo farabadan oo uu cadawgu doonayay inuu kusoo soo ceshado gacan ku haynta dhismayaasha. Waxaa jira khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay madaxda ridada oo ay kamid yihiin wasiiro, wasiir ku xigeeno, wasiir-dawlayaal, saraakiil ciidan iyo askar intaba.”

Sidoo kale, waxay ku xuseen Bayaankooda in Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigeen hub iyo saanad Millateri oo ay ka qabsadeen ciidanka dawladda , kuwaas oo sida ay sheegeen ku fashilmay duullaanadii ay soo qaadayeen “xalay ilaa xilligan oo duhur ah” waxayna xuseen in weli ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidankoodu dhismayaal ku teedsan Madaxtooyadda Villa Somalia.

Bayaanka, ayaa lagu xusay in weerarka uu sababay inuu baaqdo kulan muhiim ahaa oo ay u ballansanaayeen xubnaha labada golle, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, lagala cararay Madaxtooyadda oo la geeyay dhinaca garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-shabaab, waxay ku tilmaantay weerarka geesiyaal naftooda u huraya sidii ay u ciqaabi lahaayeen waxay ugu yeedheen “cadawga ridada ah ee u taagan la dagaalanka Shareecada Islaamka, una ololaynaya gaalnimada iyo dhaqamada gurracan ee qawmu-luudnimada ah” ayaa lagu yidhi Bayaanka.

Dhinaca kale, waxa soo baxay doodo iyo su’aalo ka dhashay sida ay ugu suurta gashay Al-shabaab in ay hawlgal sidan oo kale ah ka fuliyaan Huteelkaa oo ku yaal meelaha sida weyn loo ilalaiyo, waxayna arrintaasi sii xoojisay tuhunkii marka horeba laga qabay in masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo hay’addaha amaanka ay xidhiidh la leeyihiin.

Dadka ka hadlay dareenka ka dhashay arrintaa, waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuuna sheegay in waddada qaraxu ka dhacay iyo Villa Rosa aysan lug ku tegin karin shacabka, islamarkaana ay joogaan ciidamo tiro badan, balse uu isagu qabo tuhun ku aadan inay jirto wada shaqeyn hoose oo sahashay weerarkaas tooska ah

“Waddo kasta ee Villa Rosa lagu tagi karo ciidan ayaa fadhiya, mana aha waddo shacabka u furan. Waa la soo daayay qaraxee yaa soo daayay? ayuu yidhi Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay weerarkan oo qaatay in ka baddan 18 saacadood Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tulax, oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, isagoo sheegay in ahayn arrin fudud in la galo Hoteelka Villa Rosa, maadaama ay ku yaal aaga ugu ilaalada baddan ee ay ku taal Madaxtooyadda Villa Somalia.

“Maaha arrin fududu in guddaha Madaxtooyadda la galo, iyadoo aynu ognahay baraha laga soo galo sida loo hubiyo dadka galaya. Waxaa muuqata in lasoo daayay Qaraxa ee waa in la helaa cida soo deysay,” ayuu yidhi.

 

 

Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda wixii ka danbeeyay hawlgalkii lagu qaaday ee gobolada dhexe iyo meelo kale lagaga saaray dhowaan, bale Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada sidan oo kale ah, waxayna weeraro xidhiidh ah oo kan la mid ah ku qaaday Hoteelka Xayaat Zoobe oo isna dhacay Oct, 29 2022.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com