Araweelo News Network

Qaraxa Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Qarax weyn ayaa ka dhacay goor dhowayd Wadada Muhiimka ah ee Makka Al- Mukarama oo ah ee halbawlaha u ah xarumaha dawladda Federaalka ah ee Muqdisho, Isla markaana ka mid ah goobaha ammaankooda sida weyn loo ilaaliyo.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in qaraxu ahaa gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah lala beedsaday goob aan ka fogayn Baar Italia, waxayna wararku intaa ku darayaan inuu Jiro khasaare.

Xukuumadda Somalia Ayaan ka hadlin qaraxa, Balse Al-shabaab ayaa sheegatay in ay fuliyeen, Isla markaana ay ku dileen saraakiil dawladda Ka tirsan.

Al-shabaab ayaa qaraxyo Iyo dilal qorshaysan Ka fuliso Magaalada Muqdisho.