Araweelo News Network

Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(ANN)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID, isla markaana ah Murrashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay xafladda qalin-jabinta dufcadii 14-aad ee Jaamacadda Hargaysa oo Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda iyo asxaabta ah ka qayb galeen ka jeediyay hadalo hanjabaad ah oo ku waajahan arrimaha doorashada Madaxtooyadda.

 

Eng. Faysal, wuxuu kaga hadlay khudbad uu halkaa ka jeediyay qorshihiisa siyaasadeed ee uu doonayo inuu dalka ku maamulo iyo waxa u qorshaysan ee uu doonayo inuu wax ka qabto.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xaalada dalku marayo maanta, isla markaana dhaliilay labada Xisbi ee tartanku ka dhexeeyo.

Halkan ka Daawo Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlaya.