Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)– Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa sheegay in aanu weligii maqal dekedda Berbera oo xidhantay xiligan Xukuumadda KULMIYE ka hor.

Wuxuu sheegay in uu Berbera ku koray oo uu Iskuulka ka galay, isla markaana aanu waligii maqal Dekedda Berbera oo xidhantay hada ka hor, waxaanu nasiibdaradaa la soo deristay Dekedda Berbera uu ku eedeeyey Masuuliyadeeda xukuumada Kulmiye ee talada dalka ka sii dagaysa.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu intaasi ku daray in magaalada Berbera oo ahayd magaaladii ugu horaysay Somaliland ee qasabado uu Turkigu u sameeyey in maanta booyado loogu dhaamiyo, isla markaana hada xukuumadii Siilaanyo ay marayso in xabaalihii Berbera ay baloodhayso.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucardka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Ciro, wuxuu sidaa ka sheegay Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, taasoo Xisbiga WADDANI uu soo dhaweyn ugu sameynaayey Siyaasiyiin, Wax-garad, Aqoonyahan, Haween, Dhallinyaro iyo Madax-dhaqameed tira badan oo ka soo jeeda deegaanka Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kuwaas oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE, isla markaana  ku  biiray Xisbiga WADDANI.

Xafladdan oo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey ayaa sidoo kale uu kaga hadlay in ay samaynayaan Xafiiska Hawlgabka ee Ciidamada iyo Shaqaalaha dawlada, isla mar ahaantana uu dib u hayn ku samayn doono xaruntii Mujaahidiinta ee SOOLYAAL hadii alle yidhaahdo marka ay talada dalka ku guulaystaan.

Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani waxa uu khudbadiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Maanta waxa la soo gabogabeeyey laba munaasibadood oo waaweyn oo qarankani uu lahaa oo ah diiwaangalintii aynu samaynay iyo kaadh qaadashadii oo Komishanku uu soo bandhigay horaantii, insha allaahu waxaynu u diyaar garoobaynaa iyadoo la soo saarayo liiskii kama dambaysta ahaa in aynu u diyaargaroweno doorasho xor ah oo xalaal ah.

Maanta waxa aynu diyaar u nahay inaynu kulmiye kaga badino codkeena saw diyaar uma nihin, doorashadiina waa la mudeeyey oo 13-ka bisha November, komishankuna hawlihii way dhameeyeen, qandaraaskii gaadiidka 15-ka bisha ayaa la bixinayaa, qalabkii kale wuu imanayaa, hawlihii oo dhan waa la diyaarinayaa, waxa inoo hadhay oo kaliya inaynu tartano, odhan mayno sida Kulmiye dhaartii uunbaa noo dhiman, goormaa la dhaarin doonaa haday helaana xilka.

Walaalayaal barnaamijka xisbiga waxa aynu ku darnay, markaynu eegnay duruufta haysata iyo nolosha ay ku nool yihiin iyo nolosha xaasaskoodu ku nool yihiin ciidamada kala duwan ee Somaliland in Mushaharka loo kordhiyo 250 boqolkiiba hadii Alle yidhaahdo, xukuumada wixii qaylo ka baxday waad maqlayseen, kulmiye wixii qaylo ka baxday waad maqlayseen, maalin walba hanbadii ka hadhay hantida qaranka ayay iibiyaan, intaasaaba ka badnaan lahayd, waxaan raacinayaa oon hore u sheegay in shaqaalaha dawlada aanu samayn doono xafiiskii hawlgabka (pension), waxaan maantana ku dhawaaqayaa inaanu samayn doono xafiiska xaq siinta ciidamada, hadii Illaahay ka dhigo, markay hawlgab noqdaan, markay dhintaan, markay hawl la soo deristo, xafiiskii xaq siinta ciiadamada waanu abuuraynaa.

Waxa intaa inoo dheeraa in askari kasta aynu guri u dhisno, wax hawlbadan maaha waa intaynu qaadaka ku bixino maalintii ayaa laga yaabaa inay inoo dhisto maalin kasta boqol guri inta xukuumada iyo dawladaha heeso iyo maayirada Berbera, Hargeysa iyo Gabiley intay qaadka ku bixiyaan ayaa u dhisi lahayd.

Waxaanu iyagana samayn doonaa oo aanu hagaajin doonaa, SOOYAAL xaruntii mujaahidiinta, laakiin daryeel badan ma qaban, xafiiskii mujaahidiintana waxaanu siin doonaa waxay ka mudan yihiin qarankan hadii alle yidhaa.

Anigu Berberaan ku koray Berberaan Iskuulka ka galay, nin weyn ayaan ahay hadda, waxaynu ka caban jirnay waxa ugu darnaa, Xukuumadihii kacaanka, waligay ma maqal, taariikh horena kama dhagaysan Dekeda Berbera oo xidhantay, Kulmiye iyo xukuumadiisu waxay ina yidhaahdeen, Dekedda waa la casriyeynayaa, qalab cusub ayaa la keenayaa, deked la balaadhiyey miyeydun maqasheen, qalab la keenay miyaad maqasheen, maraakiibtii dekeday taagan yihiin ilaa bishii todobaad, Maraakiibtii ganacsatadu ku soo raratay dharkii Ciida wali Badday taagan yihiin, waynu eegi doonaa bal meesha xukuumadu ay ka keento Mushaharooyinka” Ayuu yidhi Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaanu intaasi ku daray “Berberi waxay ahayd meeshii ugu horaysay ee Somaliland qasabado loo sameeyo, Turkiga ayaa sameeyey, waligeed may dhicin in booyado looga dhaamiyo Berbera sida halkan laga sheegay maanta booyadaa ka dhaamiya.

Hargeysa-daa anigu labaatan sano ayaan hada joogayoo booyad uunbaan ka cabayey, laakiin Berbera may jirin arintaasi.

Berbera waad ka war haysaan Dekedda, Madaarkii Waad ka war haysaan, Wershedihii waad ka war haysaan, dhulkii waad ka war haysaan, maanta waxay maraysaa Xabaalihii ayaa la qodayaa, waxay ila tahay Berberi caloosha Kulmiye ayay ku dhacdoo, waynu ka soo celinaynaa caloosha Kulmiye.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro.