Araweelo News Network

Photo file Murrashaxa Madaxweynaha, isla markaana ah Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro, ayaa ka hadkay natiijada weli ku laalan Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Warar hordhaca oo soo gaadhaya shebekada Araweelo News Network, ayaa sheegaya in Murrashaxa WADDANI Cabduraxmaan Ciro uu qaadacay in Komishanku shaaciyo natiijo aanay ogolayn Xisbi ahaan, taasoo uu sabab uga dhigay cabashooyinka ay ka qabaan natiijada doorashadii dhacday Isniintii 13 Nov 2017.

 

Guddoomiye Cirro oo hadda warbaahinta loo qaybiyay muuqaal laga soo duubay, ayaa  ugu baaqay taageerayaashiisa inay isdejiyaan, isla markaana wixii cabasho ah dariiq sharci ah loo mari doono.

Halkan Ka Daawo

 

 

Dhinaca kale Madaxtooyadda, ayaa looga yeedhay warbaahinta, waxaana lagu war geliyay in ay iska ilaaliyaan in aanay baahin waxyaabo dalka amaankiisa wax u dhimaya, amma bulshada ku abuurayo naxli iyo kala fogayn.

wixii kasoo kordha wararkaa kala soco goor dhow Araweelo News Network