Araweelo News Network

Abwaanad Niciima Qorane

Hargeysa(ANN)- Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa,  maanta ku ridday xukun ah saddex sano oo xabsi ah Abwaanad Naciima Axmed Ibraahim oo  27-kii  january ee sanadkan loo taxaabay Xabsiga  magaalada Hargeysa.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu eedaynayay oo ahaa  inay hadallo cay, iyo cambaareyn oo waxyeello ku ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxbanaanideeda kaga dhawaaqday, iyadoo markaa ku sugnayd Muqdisho.

Qareennada difaacayay Abwaanad Naciima Axmed Ibraahim ayaa sheegay Inay rafcaan ka qaateen xukunkaa.