biil gate1

Boston(ANN)Maalqabeenka ugu lacagta Baddan Dunida ee u dhashay Dalka Maraykanka Mr. Bill Gate, ayaa ku amaanay shirkadda Isgaadhsiinta ee ugu weyn Somaliland Telesom, addeega dhinaca Mobile Money Transaction ee Zaad-ka oo lacagta laysugu diro.

Mr. Biil Gate oo ka hadlayay Shir Caalami ah oo 26 Oct 2014 ka dhacay Magaalada Boston ee Cariga Maraynka, ayuu ku qaadaa dhigay arrintaa, wuxuuna isagoo ka hadlaya Shirka SIBOS oo ah mid lagaga hadlaayey Baananka Caalamiga ah iyo xawliga ay ku socdaan lacagta Elekatarooniga ah ee mobaylada la iskugu xawilaan oo ay soo qaban qaabiso hay’adda SWIFT ayaa waxa gaba-gabadii shirkaasi ka hadlay Maalqabeenka dunida ugu lacagta badan ee leh shirkadda Microsoft Mr. Bill Gate waxaanu qubadiisii ku soo qaatay sida shirkadda Telesom Somaliland uga hirgalisay Adeega ZAAD.

Hase yeeshee Bill Gate ayaa qubadan uu ka jeediyey shirweynaha Caalamiga ah ee SIBOS, waxaa uu tusaale u soo qaatay Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee ku shaqeeya addeega lacag dirida Mobile Money Transaction, isagoo tusaalaaha koowaad usoo qaatay laba shirkadadood oo laga hirgaliyey Bangaladesh kuwaasi oo uu ku tilmaamay in 5 sano ka hor ay go’aansadeen in ay dalkaasi ka hirgaliyaan addeega Xawilaada Lacagta Mobaylada, taasoo uu sheegay in Bangadesh ay dad aad u yari leeyihiin xisaabaadka Bangiyadda, balse dadka intooda badani ay isticmaalaan moobaylo, sidaasi daraadeed adeega lacag dirida mobaylka waxay ka bilaabay dalkaasi 2011, waxaana hadda adeegaasi isticmaala in ka badan 13 milyan oo macmiil ah. Bill Gate ayaa sheegay in dadki ay lacagaha isku xawilaan mobayladooda, alaabooyinka ay kaga iibsadaan tukaanadda iyo waxyaalaha kale. Bill Gate ayaa intaasi ku daray in boqolkiiba toban (10%) GDP Bangaladesh in bishiiba in ka badan 1 bilyan oo Dollar uu ka dhex dhaco lacagaha la iskugu diro mobaylka.

Bill Gate ayaa tusaalaha Labaad u soo qaatay Shirkadda Telesom sida ay uga hirgalisya dalka adeega ZAAD, waxaanu qubadadiisan ku sheegay in muddo saddex sano ah dadka laga dhaadhicinaayey sidii ay u aqbali lahayeen isticmaalka adeega Lacag Diridda Mobaylka (ZAAD), waxa uu sheegay waxyaalaha keenay in adeegani horumarin habka lacagta ay dadku isugu diraan ee ka magaalada joogaa uu ka miiga jooga ugu diri karo. Bill Gate isagoo ka hadlaya sida shirkadda Telesom uga hirgalisay Somaliland adeega Lacag Dirid ayaa yidhi, “Waxaan la yaabay in aan arko meel sida Somaliland lacagt meesha ka baxdo waxaan taasi keenay in dadku ay Akoonwanadoda Electaroonig ah bishiiba ku shubtaan lacagahooda. Shirkadda Iskaadhsiinta Telesom Somaliland ee halkaasi sida aadka uga hawl gasha dadku waxay aad u isticmaalaan lacagta Mobileka la isugu diro. Celcelis ahaan lacagta lagu diro mobayladu waxa ay ka badan tahay lacagta dadku isku diraan”.ayuu yidhi Mr. Biil Gate.

Khudbadan Maalqabeenka Dunida Ugu lacagta badan ee Mr. Bill Gate u tusaalaha ugu soo qaaday adeega ZAAD ee shirkadda Telesom ka hirgalisay Somaliland, isagoo ka sheekaynaya horumarka dhinaca Electrooniga ah ee Somaliland gaadhay, waxa uu sumcad iyo sharaf u soo hooyey dhamaan bulshada Reer Somaliland, waxaanay midhadhal u tahay mabaadiida iyo iskaashiga shirkadda Telesom loo aasaasay Shirka Telesom oo ah shirkadda ay wadda leeyihiin in kabadan 2000 oo Soomaaliya ah oo ku nool dhamaan dhulka Somaliland iyo Waddamaa Reer Galbeedka, waxayna Shirkadda Telesom oo ah ta ugu weyn dhinaca Isgaadhsiinta Somaliland door ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka ka jira dalka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com