Araweelo News Network

‘Anigana Waxa la i Dhaarin Doonaa December’

Kenyan opposition leader Raila Odinga waves at supporters as he leaves the Supreme Court in Nairobi on September 1, 2017. (Photo by AFP)

Nairobi (ANN)- Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Mr. Raila Odinga, ayaa ku hanjabay inuu taageeraashiisa u qaban doono xaflad isu-soo-bax ah oo loogu dhaarin doono xilka madaxweynenimada bisha December soo socota, kadib markii xilkaas loo dhaariyey Madaxweyne Uhurru Kenyatta.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa baahisay in Mr. Odinga uu u sheegay taageerayaashiisa in isagana xilka madaxweynenimada Kenya loo dhaarin doono 12 bisha December ee sannadkan 2017.

Daqiiqado kadib markii Raila Odinga hadalkan ka jeediyey, ayaa booliska ka-hortagga rabshadaha waxay suntan dadka ka ilmaysiisa u isticmaaleen gawaadhi kolanyo ah uu la socday oo marayey badhtamaha magaalada Nairobi gelinkii dambe ee shalay.

“Anigana waxa xilka madaxweynenimada Kenya la i dhaarin doonaa bisha December,” ayuu yidhi Odinga oo la hadlayey taageerayaashiisa.

Mr. Odinga ayaa arrintan ku dhawaaqay markii taageerayaashiisa oo aad u cadhaysan ay isugu soo baxeen waddo ku taal caasimadda Nairobi, kadib markii boolisku xidheen fagaare oo uu doonayey inuu isu soo bax ku qabto.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, ayaa hore taageerayaashiisa ugu baaqay in aanay ka qaybqaadan doorashadii ku-celiska ahayd ee la sheegay inuu ku guulaystay Madaxweyne Kenyatta, waxaannu dalbaday in isbeddel lagu sameeyo Guddiga Doorashada oo uu ku eedeeyey in aanay dhexdhexaad ahayn.

Sidoo kale, meelo kala duwan oo ka mid ah magaalada Nairobi, waxa isku dhacay ciidammada booliska taageerayaasha mucaaradka oo xoog uga cadhaysan xilka madaxtinimada ee markale loo dhaariyey Kenyatta.

Weriyeyaasha ku sugan Nairobi ayaa sheegay in muranka doorashada ee haatan cirka isku sii shareeray uu si weyn u kala qaybiyey shacabka reer Kenya.

Dhinaca kale, Madaxwayne Uhuru Kenyatta, ayaa wacad ku maray in uu xallin doono kala-qaybsanaanta ka dhex jirta bulshada dalkiisa, kadib markii xilka madaxwaynanimada loogu dhaariyey markii labaad xaflad ay qaadaceen mucaardku shalay.

Khudbad uu jeediyey kadib xafladda caleem-saarkiisa oo ka dhacday caasimadda Nairobi gelinkii hore ee shalay, waxa uu sheegay inuu la shaqayn doono qaar ka mid ah fikradaha mucaaradka, iyada oo la eegayo wadajirka shacabka Kenya.

Madaxweyne Kenyatta waxa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Mr. David Maraga oo ah xaakimka laalay natiijada doorashadii dhacday 8-dii bishii August ee sannadkan 2017.

Dad boqol kun ku dhow ayaa ka qeybgalay caleemo-saarka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Kasarani oo qaada 60 kun, halka 40 kun kale shaashado waaweyn oo bannaanka la sudhay ka daawanayeen.

Ilaa 20 madaxda adduunka ah ayaa ka qeybgalay caleemo-saarka Madaxweynaha Kenya.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo qaadacay doorashadii ku celiska ahayd ee qabsoontay bishii October ee la soo dhaafay, ayaa ku tilmaamay xafladda dhaarinta “boqor isku caano shubay.”

Mr Kenyatta ayaa dib loo doortay 26 October, wuxuuna helay 98% codadkii laga dhiibtay doorasho ay u soo baxeen 39% ka mid ah dadweynaha dalkaas.