TelesomDahabshiil
Published On: Tue, Sep 1st, 2015

Ololaha CARMMA iyo Wakiilka Ololaha ee Jamhuuriyada Somaliland loo doortay sanadka

Hargeysa(ANN)Ololaha Dardar-gelinta yareynta/Hoos- u dhiga Dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka Africa (CARMMA)

Jamhuuriyada Somaliland ayaa kaalinteeda kaga biirtay daah-furka Ololaha CARMMA ee ujeedadiisu tahay hoos-udhiga dhimashada hooyada dhalaysa/dhashay iyo caruurta yaryar iyo guud ahaan tayeeynta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka si markaas dar-dar loo geliyo ololaha oo wax lagaga bedelaayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka oo war-bixinteedu sheegayso mudadii 2011-kii ilaa 2013-kii in lagu qiyaasay 100.000 oo dhalasho ay geeryoodaan 850 ka mid ahi (WHO UNFPA and UNICEF).

Ololahan CARMMA ayaa ah mid ay isku bahaysteen wadamada Afrika si dar-dar loo geliyo hoos udhiga dhimashada hooyada xaamilada ah ama tan dhashay iyo caruurta yaryar oo markaa lagu wado in hoos loo dhigo boqolkiiba shan iyo todobaatan sanadka 2015 iyadoo markaa la waafaqsiinaayo rajadan ta hiigsiga loo yaqaan Millennium Development goal 4 iyo 5.

Ololaha CARMMA waxa si rasmi ah loo daah furay 7dii bishii may ee sanadkii 2009 iyadoo lagu daah furay kulankii afraad ee wasiirada caafimaadka uga furmay shirkii isu taga wadama afrika (AU) uga qabsoomay magaalada Adis-ababa.

ujeedada kulankaasi lagu daah furay ololaha CARMMA ayaa ahaa mid lagu hirgelinaayo qorshihii ma Maputo ee dhaqan gelinta hoos u dhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka reer afrika. qorshahan oo ahaa mid ay ansixiyeen wasiirada caafimaadka dalalka afrika ee kulankoodu ka qabsoomay dalka Mozambique bishii September ee sanadkii 2006.

19 kii bishii September ee sanadkii 2014kii ayaa huteelka maansoor lagu soo bandhigay ololaha CARMMA iyo kaalinta ay jamhuuriyada Somaliland ka qaadanayso goobtaas oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 500 oo qof kana socday dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

waxaa marti-sharaf ka ahayd bandhigaas ama daah furkaasi marwada koowaad ee jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, marwada ayaa markaasi khudbadeedii ku muujisay kaalinta ay xukuumadu ka qaadanayso ololahan iyo sida ay uga dhabtahay inay ololahan ka midho dhaliyaan.

Ololaha CARRMA ayaa xooga saaraya afartan qodob

1. Xoojinta hawlaha joogtada ah ee lagu tayeynaayo daryeelka caafimaadka hooyada iyi dhalaanka somaliland

2. Soo saarista iyo isticmaalka warbixinta caafimaadka guud, da’yarta, hooyada, dhalaanka yaryar, iyo caruurta oo markaa fiiro gaara la siinaayo, dhimashada hooyada xaamilada ah/dhalaysa iyo dhalaanka yar yar, caafimaadka iyo xuquuqda da’yarta, la dagaalanka tacadiyada sababi kara caafimaad daro.

3. u ololaynta taageerada daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka yaryar oo laga dhex ololaynayo daneeyayaasha sida xukuumada tiiyoo la dareensiinaayo in qofkastaa door ku leeyahay inuu buuxiyo daryeelka caafimaadka iyo hoos-udhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka yaryar

4. dardar gelinta hawlaha hoos lagu dhigaayo dhimashada hooyada xaamilada ah ama dhashay iyo dhalaanka yaryar iyo caruurta

wakiilka ololaha CARMMA ee Jamhuuriyada Somaliland Marwada koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa UNFPA u xilsaartay wakiilnimada ololaha CARMMA.

Ololahan waxa gadhwadeen ama wakiilo ka noqday haweenka door ka mudan kagana jira bulshooyinkooda sida marwooyinka koowaad ama haweenka wasiirada ah.

Marwada ayaa doorka ay ku leedahay oloalahani yahay mid dhiirigelinaaya dhinaca siyaasada xukuumada ee arrimaha hooyada iyo dhalaanka, dhinaca xeerka iyo xuquuqda hooyada iyo dhalaanka, iyo gebi ahaanba tayeynta iyo daryeelka arrimaha haweenka iyo caruurta.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Human Rights

Businesses

Pin It