Dukumeentiyada Qalabka iyo Noocyada

#Araweelo_News_Network.

Muqdisho(ANN)-Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya ee NISA, ayaa sheegtay Khamiistii inay gacanta ku dhigtay laba shixnad oo isugu jira agab ciidan oo casri ah iyo waxyaabaha loo adeegsado qarxa, kuwaas oo sida muuqata u rarnaa Ururka Al Shabaab iyo kooxaha xidhiidhka la leh.

ALt: Araweelo News

Qalabka Millateri ee lagu qabtay Muqdisho, Image Araweelo News Network. 22 May 2023.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in Hay’addu ay hubkan ka heshay Dekedda iyo Garoonka Diyaaraddaha Muqdisho.

“Dekadda Muqdisho, waxay ciidamada NISA ka heleen shixnad qalab ciiddan ah iyo walxaha qarxa oo lagu soo dhex qariyay Koonteenar, iyagoo ka dhigaya badeecad ganacsi , balse la oggolaaday in laga soo dejiyay Muqdisho,” ayuu yidhi, Maaxmed Cali Xaggaa oo Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

“Ciidamadeennu waxay, sidoo kale ku qabteen qalab Millateri oo yaallay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.”ayuu raaciyay.

Qalabka Millateri ee lagu qabtay Muqdisho, Image Araweelo News Network. 22 May 2023.

Dhinaca kale, Qoraal ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in baadhitaan la xidhiidha shixnaddaha sharci darrada ah oo lagu soo qabtay 10 qof oo lala xidhiidhinayo shabakad wax tahriibisa oo hawshan wadatay.

“Hay’addeenu waxay la socotay dhaqdhaqaaqyada ay shaqsiyaadkaas ka wadaan Soomaaliya iyo meelo ka baxsan Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir Xaggaa. “Waxay daba socotay ku lug lahaanshaha shabakaddan tahriibka, nasiib wanaag dhamaantood waa la xidhay, mana jirto cid baxsatay.”

ALt: Araweelo News Network

Qalabka Millateri ee lagu qabtay Muqdisho, Image Araweelo News Network. 22 May 2023.

Hay’adda NISA iyo wasiir dawlaha u hadlay xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya midkoodna ma bixin faah faahin dheeraad ah oo la xidhiidha qaybaha ay ka kooban yihiin shixnaddaha la qabtay, halka laga keenay iyo cidda ay yihiin kuwa loo qabtay.

Hase yeeshee, shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa heshay nuqulo ka mid ah warqaaha lagu soo iibiyay qalabka, waxaana soo baxaya warar kale oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin oo sheegaya in qalabkaa qayb ka mid ah lagu soo waday dhinaca Magaalada Laascaanood, halkaas oo dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaada deegaanka ee taageerada ka helaya maamulka Puntland marar baddan xukuumadda Somaliland sheegtay inay ku lug leeyihiin kooxaha Al-shabaab oo ay qayb ka yihiin dagaalka ka socda Laascaanood.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ku soo rogay cunaqabatayn dhanka hubka ah 1992-kii, sababtoo ah dagaal sokeeye iyo rabshado colaadeed oo hormood u ahaayeen hoggaamiye kooxeedyo iyo dagaal oogayaal kale.

Hase yeeshee dawladdaha ku meegaadhka ah ee Beesha Caalamku u dhiseen Soomaaliya 2012, ayaa sanandihii u danbeeyay ku doodayay in laga khafiifiyo cunaqabataynta hubka, si wax looga qabto amniga iyo soo celinta kala danbaynta, taas oo ugu danbayntii gollaha amaanku aqbalay.

Sanadkii 2013, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in qeyb ahaan laga qaado xayiraadii saarneyd in hubka laga iibiyo Soomaaliya muddo sanad ah.

 Arrintaa ayaa keentay in colaaddaha qaba’ilka dib uga cusbonaadaan Soomaaliya oo tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe, iyadoo aannay wax weyn ka beddelin cunaqabataynta hubka ee saarnayd.

Kooxaha ka gacansada hubka oo dhaqaale baddan ka hela, ayaa si kootarabaan ah uga dejiya xeebaha Soomaalida, gaar ahaan xeebaha dhinaca maamul goboleedka Puntland oo noqday marinka ugu muhiimsan ee hubka soo gala Soomaaliya, wallow xeebaha kale ee dhinaca Muqdisho marar baddan laga dejiyay shixnado hub ah, waxaana hubkaa loo gudbinayay kooxaha Al-shabaab iyo qabaa’ilka Soomaalida, taas xilligan muujinay khatarta abaabulka beelaha oo laga cabsi qabo inay Soomaaliya dib ugu celiso collaadihii iyo dagaaladii sanado baddan ka hor.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com