“Garaad baa loo taagwaayay caqliga ma gelayso,” Xildhibaan Guurtida ah

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka dayriyay xaaladda dalka ee arrimaha nabadgelyada, wuxuuna ku tilmaamay in aannay marka la eego arrimaha dhinaca amaanka in aannay ahayn kuwo luga addag ku taagan.

Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlayay gollaha Guurtida, ayaa sheegay in dab ka baxayo dhinac walba, isagoo ka jawaabaya hadal uu xildhibaan ka mid ah kuwa dooda ka qaybgalay ku sheegay in xaaladda nabadgelyadu wanaagsantahay, marka laga reebo meelo yar yar oo dhibaato ka jirto.

“Waar hana seexin, meel aan qiiqayn ma jirto, Boorama ayay ka taagan tahay, oo Saaxil ayay  ka taagan tahay,  oo Sool ayay  ka tagaan tahay, Togdheer ayay ka taagan tahay, oo Sanaag ayay  ka taagan tahay, dalka meel aan qiiqayni majiro ee dhibaatada wax ha laga qabto halaaga maqlo” Ayuu yidhi, Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlayay gollaha, iyadoo muddanayaasha qaarkood soo jeediyeen in arrinta Laascaanood loo diro ergo si xaaladda loogu soo dabaalo nabadgelyo, isla markaana loo joojiyo colaadda.

“Garaad baa loo taagwaayay caqliga ma gelayso, Waxaan soo jeedin lahaa in Guddoomiyuhu inna horgalo oo aynu arrinta Laascaanood galo, garaadadana aynu la kulano, ciidamadana aynu ka codsano inay arrinta inoo daayaan, garaadadana aynu u badheedhno oo meesha dhexgalo dadku waa dadkeenii.” Sidaa waxa yidhi, xildhibaan Buddeeye oo ka tirsan gollaha guurtida oo ka mid ah xildhibaanada gobolka Sool ku metela gollaha.

Sidoo kale, Xildhibaan kale, ayaa sheegay in arrinta Laascaanood ay galaan golle ahaan, isagoo yidhi, “Labada dhinacba way aqbalayaan, sababtoo ah, dagaalka maynu kala adkaan, iyagana lagama adkaan, innagana laynagama adkaan, markaa labada qoloba sharaf ayay u tahay in maanta dagaalka la joojiyo” ayuu yidhi, Axmed Dirir oo ka mid ah Xildhibaanada gollaha Guurtida ku metela gobolka Togdheer.

Haseyeeshee, wuxuu carabka ku dhuftay in arrinta, wuxuu guddoomiye saleebaan in arrimaha qaar lagu maqanyahay oo Guurtida iyo xukuumaadda Somaliland ku hawlan yihiin.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com