Hargeysa(ANN)-Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland, isla markaana ka tirsan xisbiga KULMIYE, ee talada dalka haya, balse mudooyinkii u danbeeyay kulamo iyo doodo ay u bixiyeen tabliiqa Siyaasada ay wadeen isaga iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay qorshohooda siyaasadeed iyo natiijada hawshaa.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay sabata uu mar walba ugu dheganayahay 26 Juun 1960, ee uga maqanaaday xuska 28-guurada 18 May ee todobaadkan laga xusay Somaliland, isagoo sheegay in uu safar ugu maqnaa dalka Nairobi oo ay ku kulmeen markii uu Hargeysa ka baxayay diyaarada Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo uu sheegay inay wax baddan ka wada hadleen oo ka sheekaysteen intii ay safarkaa ku wada jireen.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha mustaqbalka Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay Telefishanka HCTV.

Waraysigaa oo dhamaystiran halkan ka Daawo.