Araweelo News Network

Ciise oo ka mid ah dadkii dhaawacu kasoo gaadhay qaraxii soobe

Muqdisho(ANN)-Qaramada Midoobay, ayaa Warbixin ay soo saartay ku  sheegay in tirada shacabka ku dhintay colaadda Soomaaliya ay sare u sii kacday labaatankii Bilood ee u danbeeyay.

Hay’adda ayaa diiwaan gelisay in ka badan 2,000 oo qof in lagu dilay Soomaaliya muddadii u dhexeysay january  2016 illaa Octobar 2017. Sidoo kale waxa lagu sheegay warbixintan in illaa 2500 oo kale ay ku dhaawacanteen Soomaaliya.

Baaritaanka Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in dagaalka  Al-Shabaab  sabab u yahay inta badan geerida dadka shacabka. Sidoo kale waxay dhalleeceysay ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika oo qayb ka ah dhimashada Dadka shacabka ah.

Dhibaatada ugu badan ee ka dhalata amni darada Soomaaliya waxay saameynta ugu daran ku yeelatay shacabka, gaar ahaan marka ay ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ay dagaal la galaan kooxda Al-Shabaab.
Ururka Al-Shabaab waxaa lagu eedeeyay in uu sabab u yahay dhimashada ugu badan, sida weerarkii Muqdisho ka dhacay bishii Oktobar oo ay ku dhinteen in ka badan 400 oo qof oo shacab ahaa, iyadoo tiro ka badan intaa ay ku dhaawacmeen.

Qaramada Midoobay, waxay arrimahaa kaga hadashay warbixin lixdan bog ka kooban oo lagu sharaxay sida ay kor uga sii keceyso tirada shacabka ee lagu dilay gobolka Banadir ee xarunta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay UN sheegtay in saldhigyada Milateri ee laga sameynayo goobaha shacabka ay ku badan yihiin in ay halis gelinayaan nolosha dadka rayidka ah, maadaama ciidamada ay bartilmaameed u yihiin weerarada Al-Shabaab.

 

Warbixinta Qaramada Midoobey ayaa lagu eedeeyay laamaha amniga in ay si aan kala sooc lahayn dad u xidhxidhaan iyo in ay la shaqeeyaan miliishiyaad lala xidhiidniyo qabaa’il, “oo xaaladda sii cakiri kara”.
Dhinacyada ku hardamaya Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay caruurta ka dhigtaan ciidamo, taas oo xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah.