Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi 25 November 2017. Photo File Araweelo News News

Hargeysa (ANN)- Qarammada Midoobay, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay aragtideeda doorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13-kii bishan November iyo iyo natiijada ka soo baxday ee ay ansixisay Maxkamadda Sare ee Somaliland, iyadoo sidoo kalena farriin u dirtay Madaxweynaha la doortay.

War ka soo baxay xafiiska Ergada Kaalmaynta Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya/Somaliland (UNSOM) , ayaa ugu horreyn hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi oo Maxkamadda Sare u ansixisay xilka madaxweynenimo ee shacabku u doorteen iyo guud ahaan ummadda Somaliland.
“Ergada Kaalmaynta Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxa ay hambalyo u dirayaan Mr. Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan Xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarinta ee KULMIYE oo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland, sida ay xaqiijisay Maxkamadda Sare ee Somaliland  (maalintii Salaasada).

Goob-joogayaasha Caalamiga ah iyo kuwa guduhuba waxa ay tilmaameen in hannaanka doorashada iyo codbixintuba ay guud ahaan u dhaceen hab nabadgelyo buuxda ah, kana soo baxday natiijo si macquul ah loogu wada qanacsan yahay,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay xafiiska USNOM.

Waxa kaloo Qarammada Midoobay ay ku bogaadisay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Somaliland iyo madaxda dhaqanka sidii quruxda badnayd ee ay u xalliyeen khilaafyadii ka dhashay doorashada, waxaanay madaxweynaha la doortay iyo xukuumadda uu soo dhiso doono kula talisay inay sii xoojiso adkaynta nidaamka dimoqraadiga ah iyo nabagelyo buuxda oo laga dhex abuuro ummadda.

“UNSOM way soo dhowaynaysaa arrintan, waxayna ku bogaadinayaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo madax-dhaqameedka reer Somaliland sida ay u xalliyeen khilaafyadii la xidhiidhay doorashada ee soo baxay
UNSOM waxay ay kula talinayaan maamulka cusub (xukuumadda cusub ee Somaliland) inay sii amba-qaadaan kobcinta siyaasadda loo dhan yahay iyo sii adkaynta hannaanka dimoqraadiyadda, nabadgelyada iyo xasilloonida laga dhex abuurayo bulshada reer Somaliland.”
Waxa kaloo ay UN-ku ka hadleen qaabka ay ula shaqaynayaan xukuumadda cusub ee Somaliland ee uu hoggaamin doono Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.
“UNSOM waxa ay ku faraxsan yihiin in la sii xoojiyo cilaaqaadka jira ee ay la leeyihiin Somaliland oo ku salaysan heshiiska la isla qaatay (roadmap) ee loo marayo taageerada Qarammada Midoobay ee Somaliland iyo weliba wejiga labaad ee qorshaha heer qaran ee horumarinta Somaliland. Waxa kaloo ay UNSOM u taagan tahay inay diyaar u tahay inay taageerto sii amba-qaadka wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya,” ayaa lagu soo afmeeray qoraalka ka soo baxay xafiiska UNSOM.