Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Qarammada Midoobay, ayaa shaaciyey tirada dadka u dhintay xannuunka daacuunka iyo shuban-biyood ka dillaacay degaanno kala duwan oo Soomaaliya lixdii bilood ee u horreeyey sannadkan lagu jiro ee 2017.
Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan isku duboridka gargaarka bani’aadanimo ee OCHA, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dad tiradoodu dhan tahay 795 qof ay ku dhinteen daacuun iyo shuban-biyood ka bilaabmay Soomaaliya bishii January ee sannadkan 2017, balse waxa hay’addu sheegtay faafista xannuunkaasi uu hoos u dhacay 19% toddobaadkii u horeeyey bishan lagu jiro ee June.
Warbixinta ka soo baxday Hay’adda OCHA ee UN-ka Arbacadii, isla markaana wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa lagu sheegay in la wado qorshayaal lagu doonayo in lagu xakameeyo shubanka iyo daacuunka, isla markaana la samaynayo dedaalo ah in aannu degaano kaloo cusub ku faafin xannuunkan.
“Dadka uu guud ahaan soo ritay xannuunka daacuunka iyo shuban-biyoodka Soomaaliya waxa ay gaadhayaan 53,015 (saddex iyo konton kun iyo shan iyo toban qof), iyadoo ay ku jiraan 795 ruux oo u geeriyooday daacuunka laga soo bilaabo ilaa waqtigii uu xannuunkan dillaacay bishii January ee sannadkan 2017,” ayaa lagu yidhi warbixinta ka soo baxday Qarammada Midoobay.
Sida ay sheegtay Hay’adda UN-ka ee OCHA oo soo xigatay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, xannuunka daacuunka iyo shuban-biyoodka oo Soomaaliya hore uga dillaacay sannadkii 1979, iyadoo ay u geeriyooday 13 qof muddo lix maalmood ah oo ka bilaabmaysa 12 June ilaa 18 June ee isla sannadkaas.
Waxa kaloo warbixinta la soo saaray lagu sheegay in dadka uu saameeyeey xannuunka daacuunka iyo shuban-biyoodku ay 53% yihiin carruurta da’doodu ka yartahay shan sanno jir, iyadoo meelaha ugu badan ee xannuunku naafeeyey ay yihiin degaannada Wada-jir ee Gobolka Bannaadir, Xarfo oo Gobolka Mudug ah, Dhuusa-ma-reeb oo ka tirsan Galgaduud iyo Marka oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhammaantood ah dalka Soomaaliya, iyadoo aan warbixinta lagu soo qaadan shuban-biyoodka ka jiray qaar ka mid ah degaannada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Qarammada Midoobay, ayaa ka digtay in dad tiradoodu ka badan yihiin 5.5 milyan oo qof ay halis ugu jiraan inay qaadaan xannuunada ka dhasha biyaha wasakhaysan oo uu ka mid yahay cudurka daacuunku, waxayna Hay’adda OCHA sheegtay inay dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha caafimaadka kala shaqaynayso sidii arrintaas looga hortagi lahaa.