Gaadhiga Gudoomiyihii Cadan oo Qarax lala beegsaday

Gaadhiga Gudoomiyihii Cadan oo Qarax lala beegsaday

Gaadhiga Gudoomiyihii Cadan oo Qarax lala beegsaday

Gaadhiga Gudoomiyihii Cadan oo Qarax lala beegsaday

Yemen-Aden(ANN)Qarax weyn oo lala beegsaday kolanyo gaadiid Koonfurta wadanka Yemen ee magaalada Cadan 9 qof oo uu ku jiro Jeneraal Jacfar Max’med Sacad guddoomiyihii Caden ayaa ku dhintay qaraxaa oo ahaa mid xooggan oo maanta barqadii ka dhacay xaafadda Tawaahi ee magaalada Caden oo xarun u ah Xukuumadda dalalka Khaliijku taageeraan ee Yemen .
Aden Governor Jaafar Mohammed Saad (left|) was a close ally of Yemeni President Abdrabbuh Mansour Hadi (right)

Aden Governor Jaafar Mohammed Saad (left|) was a close ally of Yemeni President Abdrabbuh Mansour Hadi (right)


Madaxweynaha xukuumadda Yemen Cabdi Rabih Haadi Mansuur ayaa xaqiijiyay weerarka uu ku dhintay Guddoomiyihii Cadan, wuxuuna weerarkaasi ku tilmaamay mid ‘Argagaxiso’ oo ay fuliyeen xagjirayaal doonaya in Yemen ay udiidaan iskaashiga ka dhaxeeya wadamada Khaliijka.

Wakaaladaha wararka, ayaa sheegay in Baabuur walxaha qarxa lagasoo buuxiyay lala helay kolanyada gaadiidka ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Caden, balse Wariyaal ku sugan magaalada Caden ayaa sheegay in khasaaraha uu sababay qaraxu intaa ka baddan yahay, isla markaana ay ku dhinteen Qaraxa lala beegsaday Gaadhiga guddoomiyaha ugu yaraan 10 Qof oo uu ku jiro Guddoomiyihii Cadan Jeneraal Jacfar Max’med Sacad iyo 8 askari oo ilaala u ahaa iyo sidoo kale kaaliyaashiisi.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380