Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Wed, Dec 25th, 2019

Qodobada Heshiiska Rasmiga Ah Ee Nabada Ceel-Afweyn

#Somaliland: Heshiis Rasmi ah oo Lagu soo Afjaray Colaad Muddo Dheer ka Taagnayd Degaanka Ceel-afweyn

Ceel-Afweyn (ANN)-Dadka walaalaha ee ku wada nool degaannada Ceel-afweyn iyo Darar-weyne ee Gobolka Sanaag, ayaa si rasmi ah uga heshiiyey collaad sababtay dagaalo khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay degaannadaas Gobolka Sanaag, kuwaas oo socday dharkii sannadood ee u danbeeyay.

Shirka Nabada Ceel-afweyn 22 December 2019. Araweelo News Network
Shirka Nabada Ceel-afweyn 22 December 2019. Araweelo News Network

Shir ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Ceel-afweyn maalintii Axadda ee taariikhdu ahayd 22 December 2019, waxa ka qaybgalay madax-dhaqameedka, Odayaasha iyo wax-garadka labada dhinac ee Baho iyo Idarays, kuwaas oo iskula qaatay in si rasmi ah looga heshiiyo collaaddii, Illaahayna looga tawbadkeeno dagaaladii hore u dhexmaray, iyadoo sidoo kale ay shirkaas goob-joog ka ahaayeen wefdi ka socday Dowladda Somaliland oo isugu jira Wasiirro, saraakiisha ciidammada iyo masuuliyiin kale oo xilal ka haya Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Biixi hoggaamiyo.

Shirka Nabada Ceel-afweyn 22 December 2019. Araweelo News Network
Shirka Nabada Ceel-afweyn 22 December 2019. Araweelo News Network

Ergooyin kala kala socday labada Ardaa ee Baho iyo Idarays oo shir nabadayn ah uga socday degaanka Ceel-afweyn ilaa bishii November ee sannadkan 2019, ayaa ugu dambayntii isla qaatay heshiis ka kooban laba qodob oo xambaarsan 16 farqadood oo koobaya in laga heshiiyey wax kasta oo dhexmaray labada Ardaa, wixii dambe ee dhacana lagu koobo cidda falka gaysata oo qudha, dhinacna looga soo wada jeedsato ilaalinta nabadgelyada iyo wada-noolaansha.

Shirka Nabada Ceel-afweyn 22 December 2019. Araweelo News Network
Shirka Nabada Ceel-afweyn 22 December 2019. Araweelo News Network

Waxaannu heshiiskaasi u dhignaa sidan;-

“Qodobka 1-aad: Is-cafin iyo tawbad-keen

Maadaama oo collaadda labada beelood dhexmartay ay ahayd mid ku salaysan Aanno shareecada islaamkuna ay u taqaanno fidmo iyo xaaraan, sida ay caddeeyeen Kitaabka Illaahay iyo Axaadiista Rasuulka (CSW), natiijadooduna ay tahay ifkana caqiibo xumo, aakhirana cadho Illaahay iyo cadaab, waxay labada beelood go’aansadeen;

Shirka Nabada Ceel-afweyn 22 December 2019. Araweelo News Network
Shirka Nabada Ceel-afweyn 22 December 2019. Araweelo News Network
  1. In Illaahay loo tawbad keeno, qof-qof, beel-beel iyo guud ahaanba iyo in laga murugoodo dhiigii la daadiyey, cirdigii la xalaashaday, rixim-goysnimadii iyo dhammaanba dunuubtii ka dhalatay fidmadaas iyo in lagu beddelo wanaag.
  2. Waxa laga qaatay cafis caam ah dhammaanba wixii dhib ah ee soo kala gaadhay labada Ardaa ee walaalaha ah muddadii ay collaaddu socotay.
  3. Waxa lagaga heshiiyey dhammaanba dadkii ku kala dhintay labada dhinac in mag lagu kala qaato, dhaawacyadiina la xaqdo.

Qodobka 2-aad: nabadgelyada iyo wada-noolaanshaha

Waxa ay labada Ardaa ku heshiiyeen;

  1. In nabadgelyo buuxda iyo wada noolaansho dhammaystiran oo la mid ah sidii ay awal ahaan jireen labada Ardaa ee Baho iyo Idarays.
  2. Qofka iyo cidda jabisa nabaddaas ee wax u dila si badheedh ah, camdi isaga ayey ku gaar tahay (Gacani waa nin leh u go’do), waana loo dilayaa, waxaanna gacan-ku-dhiiglaha ama gacan-ku-dhiiglayaasha go’aankooda iska leh weliyu-damka qofkii la dilay.
  3. Qofka ama cidda ku kacda wax nabadda waxyeelaya, sida uu ku hanjabo dil, xabbad rido, jid-gooyo sameeya, ku kaca falal ah kicin iyo muusanow beelaysan ama waxkasta oo xaalad abuur ah Af iyo adinba waxa la horgaynayaa sharciga.
  4. In ay reeban tahay in laga fal-celiyo dil uu qof gaystay sifo shaqsi ah ama koox ahaan, haddii ay dhacdana qofka ama kooxdaas ka fal celiyey waa dambiilayaal la mid ah ciddii falka hore gaysatay, falka ay gaysteen dambigiisa ayaana lagu qaadayaa.
  5. Cidkasta oo dil gaysata ama nabadgelyo-darro ku kacda waxa soo qabashadeeda masuul ka ah beesha uu ka dhashay iyo Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga ayaana lagala xisaabtamayaa inay sharciga horkeenaan.
  6. Cidkasta oo dhib gaysata oo baxsata waxa loo qabanayaa ehelkiisa iyo qoyskiisa dhammaantood oo ay ugu horeeyaan Aabbihii, hooyadii, xaaskiisa ama xaasaskiisa, carruurtiisa iyo ciddii kale ee looga maarmi waayo. Sidoo kalena waxa ay Dowladdu la wareegaysaa oo ay xannibaysaa hantidiisa iyo hantidooda.
  7. Cidkasta oo qarisa, taageerta ama difaacda dambiile nabadda jabiyey waa la dambi, sharciga ayaana la horgaynayaa.
  8. Waxa reeban in hub lala dhexmaro magaalooyinka iyo goobaha la isugu yimaado ee caamka ah, sida magaalooyinka, tuulooyinka iyo ceelasha.
  9. Ciidanka Dowladdu waxa ay u fasaxan yihiin inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan, hubkana ay kala wareegaan cidkasta oo hub la dhexmarta magaalooyinka iyo goobaha la isugu yimaado, hubka lala wareegana aan ciidanka lagaga daba tegin.
  10. In cidkasta oo ku kacda dacaayad ama borobogaandho ka dhan ah degaanka iyo wada-noolaansha labada beelood meel looga soo wada jeesto, tallaabo sharciga waafaqsana laga qaado.
  11. Hawl-gelinta Guddiyo nabadgelyo oo isku-dhaf ah oo tiradoodu dhan tahay 40 xubnood oo ka kala hawlgala degaanka Ceel-afweyn, Darar-weyne iyo nawaaxigooda oo wada-shaqayn toos ah la yeelan doona ciidammada nabadgelyada, maamulka Gobolka Sanaag iyo maamulka degmooyinka.
  12. Waxa ay labada beelood cafis, nabad iyo wada-noolaansho ugu baaqayaan beelaha kale ee degan degaanka Ceel-afweyn.
  13. Labada beelood waxa ay isla qaateen in wixii dhib ah ee ka dhex dhaca beelaha kale ee degaanka ah ay dhex ka ahaadaan, wanaagna ay kaga shaqeeyaan, isla markaana aanay ka gelin wax hiil ah.
    Dhammaad.
Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp